Sunday, May 19th, 2024
header










Meta







Haddii Muuse Biixi diido inuu soo dhaweeyo Farmaajo yaa wax ku waayaya: Warbixin

Waxa maalmahan soo baxaya warar sheegaya in madaxweynaha Somaliya laga filayo inuu Hargeysa tago isaga oo uu la socdo raiisal wasaaraha Itoobiya oo raba inuu helo Somali xoogan oo qaybteeda ka qaadata amniga geeska Afrika, taas oo u fiican hindisaha Cabi Axmed iyo Somaliba.



Inkastoo horjooge Muuse Biixi uu cuqdad iyo xumaan weyn u qabo Koofurta dalka, haddana tuunbadu ugu jirto maadaama uuna jirin culays sidaas u weyn oo saaran aan ka ahayn inuuna  ictiraaf ku haysan magaca Somalilaan, waxba kama qabo inuu yaso Farmaajo.

Su’aasha aad is weydiin karto ayaa ah yaa wax ku waayaya.



Waa ta koowaade Farmaajo inuu tago Hargeysa waxay faaiido ugu jirtaa Soomaali oo dhan welibana u dhaafo gobolada kale sida Awdal oo dadka ku nool boqolkiiba 99% marnaba ogoleyn in Somali kala go’do.

“Waxaan leehay Farmaajo hore u soco una diyaar garow waxaad Hargeysa kala kulanto ayay tiri Marwo Fowsiya Xaaji Yuusuf.



Markaa booqashada Farmaajo ee Hargeysa waa mid xataa dadka jooga Hargeysa iyo Burco ee aan hadli karin soo dhaweynayaan, iyagana ka dulqaadaysa culeysyo maamulku saaray sida xoriyada hadalka.

Waa ta labaade waxa ka xumaanaya booqashada Farmaajo ee Hargeysa wadamo waaweyn sida Ingiriiska iyo kuwa uu ku adeegto sida Kiiniya, Imaaraadka maadaama meesha ka baxayso tiirka ku gabashada maamulada si danahooda uga fushadaan Somaliya.



Waana kuwa wada cadaadiska ugu weyn ee aan Somalidu u jeedin. Waxa dalalkaas ay wataan koox yar oo horjooge Muuse Biixi ugu horeeyo oo sheegta mujaahidiin, lama garan  karo cida ay ku shahiideen.

Markaad isku miisaanto waxa kuu soo baxaya in horjooge Muuse Biixi iyo kooxdiisa taageerta ay khasaare weyn ku jiraan waayo waxay raadinayaan ictiraaf lagu yiri Muqdisho u doonta, ayna ku yiraaheen kuwii ay isku halaynayeen.



Markaa haddii Farmaajo tegi waayo Hargeysa waxay u fududeynaysaa in saaxiibada maamulka Somalilaan ku qasbi Karin inuu waqtiga ku lumiyo sheekada wadahadalka waxay ugu yeeraan “Somaliya iyo Somaliland” oo ah magac buga oo aan jirin. Waxase Muuse Biixi ilaaway inuu luminayo warka madaxdiisa xilli boqolkiiba 90% dadka ku nool Hargeysa iyo Burco raali ka ahayn maamulkiisa, farahana ka qaadeen sheekadii goosadka.

Soo diyaarintii Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

Fiiri gaara: ARAABINEWS kama masuula aragtiyada ay noo soo direen akhristeyaasha sharafta leh waxayna u  gaartahay qoraaga ku saxiixan. Haddii  aad jawaab u hayso qoraalkan fadlan noogu soo hagaaji iimaylka araabimedia@gmail.com

Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...