Madaxweyne ku xigeenkii hore ee maamulka Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa sheegay mar haddii siyaasad lagu daaweyn Prof Cali Khaliif waa in la qabto wuxuuna intaa ku daray sida uu sheegay in uu hadda ku jiro ”xadkeena”. Mar uu ka hadlay xeerka doorashada ayuu kaga sheekeeyay sidan soo socota.
“Markii la galay Shirkii Saddexaad ee Somaliland Sannadkii 1997-kii, waxa la sameeyey Dastuur ku meel gaadh ah, waxaanu Dastuurkaasi qeexayey in lagu shaqeeyo Saddex Sannadood, lana kaabo, oo laga dhigo Dastuur rasmiya, waxaana wakhtigaas Guurtida iyo Wakiilada lagu soo daray Beelihii darafyada.
Markaas labada tiro ee Golayaashu waxa ay noqdeen min 82, waxaanu Dastuurku nagu qaatay wakhtigaas oo aan ka mid ahaa Barlamaanka, Shan Sanno, balse 1999-kii waxa uu Cigaal soo dhigay Xeerar fara badan, oo is xanbaarsan, Xeer waxa uu ahaa kaabista Dastuurka, waxa kale oo uu soo dhigay Xeerkii Axsaabta lagu soo sameeynayey,
Waxa kale oo uu soo dhigay Xeer isa saaran oo ah Doorashooyinkii Madaxtooyada, Deegaanka, Guurtida iyo Wakiilada, Kaabista Xeerku waxa uu qoraayey in Guurtidu ay noqdaan 60 xubnood, oo markaas laga soo doorto lixdii gobol ee markaas jiray,60-kaasna lagu xardho Dastuurka, waxa kale oo uu Dastuurka Cigaal ka saaray 82-xubnood ee Wakiilada, waxa uu uga saaray in had iyo goor Golaha Wakiiladu la koro Shacabka, oo aanu ku eekaan oo qudha 82-xubnood, oo marka ay Shacabka korodhba inay Golaha Wakiiladuna kordhaan, oo ay Shacabka iyo Wakiiladu isla jaanqaadaan.
Mar uu ka hadlay xeerkii Ingiriisku dhigey ee reer Awdal lagu cabudhinayay ayuu yiri Afar Gobol oo min shan ah, Awdal,Saaxil, Sanaag iyo Sool, Burco oo Lix ah iyo Hargeysa oo Todoba ah, dabadeed waxa la yidhi dadkii wey kordheen ee ha lagu dhufto 2.5, dabadeed waxa ay noqotay afar Gobol oo yeeshay min 12.5 iyo Burco yeelatay 15,
Hargeysana yeelatay 18, farakshankii waxa ay noqdeen laba xubnood iyo badh, labadii xubnood xubin waxa loogu daray Hargeysa, xubina waxa loogu daray Awdal oo noqotay 13, Hargeysa ayaa markaas tidhi waanu balaadhanahay Saaxil ayaa laga soo qaaday laba xubnood, Hargeysa ayaa lagu soo daray oo noqotay labaatan, xalkaas ayaanu wakhtigaas ku af jarnay, wakhtigaas wakhti yar ka hor ayey labada Gole min saddex sanno korodhsadeen way noo cuntami wayday, wakhtigaas Maxkamada sare waxa ay jabisay korodhsiimadii Wakiilada.
Source Geeska