Jarmalka ayaa galay dagaal uu ku soo jiidanayo dad badan oo kala jinsiyo ah isagoo sheegay in dalkiisu magangalyo siinayo dalalka Siiriya iyo Eriteriya xataa haddii faraha laga soo dhigey oo ay soo maraan wadamo kale oo reer Yurub ah. Jarmalka ayaa sheegay in uu hakinayo xeerka reer Yurub wada dhigteen ee sheegaya in magangalyo doonku iska dhiibo dalka uu ku soo horeeyo farahana looga dhigo.
Jarmalka ayaa sheegay in qoxootiga jooga Talyaaniga ay badankoodu ku soo socdaan dalkiisa maadaama ayna gaari karin dalalka kale sida Ingiriiska. Wuxuuna sheegay in wax laga bedelo sida loola dhaqmo dadka magangalyo doonka ah.
Jarmal Eriteriyan gurigiisa ku haya
Waxa dadka aad u soo jiitay nin Jarmal ah xubina ka ah golaha Jarmalka oo soo dhaweeyay laba nin oo u dhashay Eriteriya kadib markii uu seexiyay gurigiisa walibana ay seexdaan qolka wiilkidsa ugu weyn.
Ninkaas ayaa la kulmey arin isaga ka yaabisey wuxuuna sheegay in dad ay is necbaayeen oo ayna muddo wadahadal ay u soo hambalyeeyeen kuna amaaneen talaabada uu sameeyay.
Wuxuu waraaqo u direy xubin ka mida barlamaanka Jarmalka uuna u sheegay in dadka mnagangalyo doonka ah ay dadka Jarmalku qaadaan oo laga daayo xeryaha iyo kaniisadaha lagu xeraynayo waayo taas waxay noqonaysaa in la takooro…Waxase uu sheegay in uu kala kulmey cay iyo hanjabaado.
Labadan dhalinyaro ee Eriteriya u dhashay ayaa iyagu aad ugu faraxsan nolosha ay ku jiraan wuxuuna geeyay goobo ay ka shaqaystaan inkastoo hadda ay baranayaan luqada Jarmalka imikana isku fahmaan Ingiriis jajaba.
Dhinaca kale waxa maanta lagu qayliyay hogaamiyaha Jarmalka Merkel oo tagtey magaalada Duisburg oo ku taal bariga dalkaasi. Hoos ka eeg muuqaalka.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS.COM