Monday, May 20th, 2024
header










Meta







Halista kaniisada Hargeysa oo laga digey iyo doorkii culimada oo la is weydiinayo

Waxa in muddo ahba si hoose loo waday casriyeynta kaniisada Hargeysa oo muddo 60 sanno ah aan shaqayn waayo ma jirin Somali gaalo aan ka ahayn kuwo la gaaleeyay oo la tirin karo laakiin burburkii qaranka kadib waxay waday shaqo hoose oo gaalayn ah.

Iyadoo hadda ay jiraan Somali badan oo u qaxay dhulalka gaalada iyo wadamada jaarka ah waxa jira tiro la gaaleeyay siyaabo badanba halagu gaaleeyee sida tusaale in dad dhiban loo balan qaado in dibedda loo qaado.



Waxa kale oo intaa dheer hawsha ay hayso idaacada ku hadasha afka Ingiriiska ee been been sii (BBC) oo iyaduna wada maskax ka bedelida dhalinta si wax kasta caadi ugu noqdaan.

Kaniisadan ayaa markii ugu horeysay si KALSOONI ku jirto ugu qabatey Hargeysa sida aadka loo habeeyay kadib markii lacag la geliyay, xuska askartii uga dhimatey Ingiriiska. Taasina waxay ku tusaysaa heerka jaahilnimo ee maamulka ka jira halkaas, waxa sidaas oo kale la gu sameeyaa Hargeysa dabaaldegyo Tigreegu samayn jirey ayuu yiri Xuseen Warsame.



Waxa goobta ka qayb galay Somali inta badan is qariyay laakiin hore looga shakisanaa. ”Waxaad is weydiin kartaa Somali nooceya ayay ahaayeen, waxa ay ka qayb galeena muxuu ahaa ayuu qabaa Xuseen Warsame.

Doorka culimada Hargeysa

Ilaa hadda ma jirto culimada Hargeysa oo ka hadashay halista kaniisadan ku hayso Hargeysa iyo agagaraarkeeda oo ay degan yihiin dad maati ah. Waxaan culimada ku naqaan inay eryadaan dumarka iyo inay fanaaniinta ka dhigaan kuwo toobada loo qabanayo laakiin halisaha waaweyn ka aamusan ayuu qabaa Cabdi Waaberi oo Hargeysa jooga.



”Waxaan ku baaqi lahaa in dadkii ka qayb galay xafladaa gaalada la su#aalo diintooda iyo cida ay la oynayaan ayuu yiri Xuseen Warsame. Culimada oo ku kala xiran maamul meesha iyo Sacuudiga ayaa u muuqda kuwa aan u arkin halis kaniisada beegsanaysa maatida.



Waxaan ognahay in markii kaniisada dib loo cusboonaysiiyay inuu u hambalyeeyay gaalkii weynaa ee Tigreega Gabre, kuna baaqay in kaniisado laga dilaaciyo dhamaan gobolada dalka, hambalyo gaar ahna u direy mida laga dhisay xarunta Amisom ee Xalane.

”Kaniisada ictiraaf ayaa lagu raadinaayay laakiin ictiraafkii ma iman ayuu yiri Xuseen Warsame. Waxaan is weydiiyaa ayadoo aan ognahay in gaalada badankoodu bilaa diin yihiin oo kaniisadahoodu faaruq yihiin, waxay xooga u saareen mida Hargeysa ayuu raaciyay Cabdi Waaberi.

Warbixintii Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS



Readers Comments (0)




Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...