Halkeed ku ogeyd dadkii ka barakacay Gaalkacayo gaar ahaan xaafadaha dagaalku ka jiro: MAQAL
Qaar ka mid ah dadkii ka qaxay xaafadda Baraxlay ee magaalada Gaalkacayo ayaa markii ugu horaysay Saxaafadda uga Waramay xaaladda nololeed ee ay ku sugan yihiin mudadii shanta maalmood ahayd ee ay qaxa ku jireen.
Waxay sheegen inay haysan deegaan ka shisheeya xaafadda ay ka soo qaxeen,isla markaana dhibaato xoogan ay soo foodsaartay.
Dadkan ayaa ku sugan Dhul bannaan oo baadiya ah kaabigana ku haya xaafadda baraxlay, waxana dadka badankiisu iswaydiinayaan 2015 iyo dagaal Somali lagu qixiyo.