Thursday, April 25th, 2024
header










Meta







Halsano iyo Handaraab qaybta qaybta 1aad W/Q Mukhtaar Afrika

Barnaamijkani wuxuu Ibo fur u yahay sanadkii oo ugu buuxda, sida halsano iyo handaraab dalka sida ay u dheceen isaga iyo koox yar oo ku heshiiyey sidii ay u boobi lahayeen iyo Wixii qaranku lahaa oo dad gaara uu ku naas-nuujiyo hogaamiyaha Askariga ahi, waxaanan dul istaagaynaa Boobka dalka mr handaraab , Siyaada Arimaha gudaha & Arrimaha dibadda waana sidatan :-



I. Shaadka Boobka qabyaaladaysan Halsano & handaraab.

1. Wax alaale wax manta isbedelay oo aan sheegi karaan ma jirto ,waxkasta waa sideedii oo dariiqii halaaga ayey Somaliland gaadhsiisay xukuumada halsano iyo handaraab.Allaylehe waxa kaliya ee uu qabtay ee la taaban karo waa isagoo dalkii ka shaqaysanayaa isaga iyo inta reerkiisa ah , shacabka , dalka iyo umaddaba boobay , iyo



2. Cid gaaraa u xidhay dhaqaalaha dalka tusaale yar hadaan soo qaadano 16 million oo dollar ayuu handaraab siiyey qorshaha gawaadhiga taarikada looga badalaayo , ina awsaciid oo uu u xidhay iibka madaxtooyada, golayaasha labada aqalna, dahabshiil ka iibiiyey, isagoo inadeerkii hubkii iyo xashiishka uu u xidhay, waana ta keentay qooxooti masaakiin ah oo Yemeni ah , lagu handado, si loo qariyo danbiga uu galay handaraab inaadeerkii oo daadku guriga uhu soo galay .Hadii laga tagi waayo lacagta uunbuu xereeye waxkale oo uu qabtay ma jirto .



3. Askariga hadal haybtiisuna noqotay xukumada halsano iyo handaraab, oo sidii oramadii itoobiya ay samayn jirtay lacagta falaasadaha ayuu ku guraa dabadeed wuu aasaa, waana ta keentay lacagta soo gasha dal oo aan la arag.

4. Waa sababta isagoo askarigu haysan guryo, ama aabihii waxba uga tagin, ayaa wuxu dhistay 270 bangalo oo kiro u joog ah, wuxuuna isaga iyo ku xigeenkiisu London ka soo iib sadeen guryo.



Xukuumada askariga ayaa waxay shacabka ku wareerisay baanka Somaliland oo khaatiyaan naga dhigay masaaxaadiisu fariimahaasi oo ka been sheegayaa sarifka saxda ah, ( TEX MASSAGE) oo 2300 oo shilling ayuunbay qoraal ahaan dib u dhacay, waana kaaf iyo kala dhiiri, berina intaasi laba jiraar ayey noqon doonto dib u ridida lacagtaasi oo ay ahayd sida saxda ah inay ku qoraan kuye manta dollar intaasi ayuu marayaa , wax alaale wax ay soo kordhisay xukuumada askarigu ma jirto.



5. Umaddii waxaa rakaadiyey oo leeaadiyey waa xukuumada halsano iyo handaraab oo lacag urursi ku ku mashquushay , xataa umada waxay gaadhsiiyeen rafaad oo meheeradiihii W.maaliyadu ka qaadi jirtay 25 dollar ayey hada ka qaadayaan 400 dollar markaa xaalka dalku halkaasi ayuu marayaa wareerkaasi badheedhkaa.

II. Siyaasada, Xayiraada gudaha, dibada, go’doonka ee halsano iyo handaraab.



1. Xukuumadani halsano iyo handaraab , Somaliland waxay gelisay go doon siyaasadeed umadan iyo dalkaba , waxaan ku cadaynayaa inay qiratay inay lacagta ku bixiso mooshinada ka socda, Arimaha gudahana beelo beelo ayaa la iskugu diray 387 qof ayaa dhintay handaraab intuu haysto, 5482 oo meheradoodna way kaceen.

2. Soomaaliya, iyo isagoo noqday ina nin la odhan jiray dadki ma adigaa ka hadhay oo (Ina ISGOWRAC ) la odhan jiray kaasi oo sidii halsano iyo handaraab , oo maalintii uu hadlaba wadnaha isgooya .



3. Go’doon siiyaasadeed galay , hadalkiisuna yahay cadifad cunfi iyo cuqdad ilayn waa nin 28 sano ba kusoo jiray garo reereed waxaad la socon doontaan qaybta labaad hadii alle idmo.



4. Sidaana uu ku galay go doon siyaasadeed siday xukuumadiisu isaga oo ku hanjabay waan inila dagaalamaynaa , mooshinkaasina Somalia ay lacagteeda Somaliland bixisay, imaaraadkuna lacagtaa hargaysa soo mariyeen, sida uu muse biixi u bedelay ninka maaliyada , garoonka hargaysa ,, Berbera oo uu alla subbeer uga dhigay , si ay u fududeeyaan , howlaha muuse damacsan yahay , sii macnaheedu waxay noqotay inuu garxajis uu ka qaado dhamaan boosaskaa aan soo sheegay , waana sababta keeni doonta in go’doonkii ugu adkaa u bilaamayo 2019 waa haduu gaadhaba sidaan filaayo Qaybaha kale …….

W/Q Mukhtar Ali Aden
Yaabe99@hotmail.com.

ALLA-MAHADLEH.



Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...