06/05/2026

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Harimacad lunsan oo hal qof ku diley degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeelaha hoose

Harimacad lunsan ayaa hal qof ku diley degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeelaha hoose. Sida dad goobjoogeyaala sheegeen Harimacadkan lunsan ayaa qaniinyo ku bilaabey dadkii halkaa joogey sidaana ku diley hal qof.

Dadka qaar ayaa isku dayay inay ka badbaadiyaan caruurta yar yar, waxaana Harimacadku uu isku wada maray caruurtii yar yaraa iyo dadkii waa weynaa ee isku dayayay inay caruurta badbaadiyaan.



Ni u waramay idaacadaha gudaha ayaa sheegay Todobada qof ee dhaawaca ah oo ay ku jirto Gabar yar inta kalena ay yihii Rag in laba ka mid ah dhaawacooda uu halis yahay, sidaasi darteedna labadaasi qof loo soo qaaday Isbitaalada Muqdisho.

Ninkan waray ayaa intaas ku sii daray in ugu dambeyn la dilay Harimacadkii kadib markii ay toogeen Ciidanka Booliska Degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose.



Maamulka degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose oo wada baaritaanada la xiriira dhacdadan ayaa ku jahwareersan halka uu ka soo galay Harimacadkan maadaama dhulku lahayn daaqsimeed.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS