06/05/2026

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Shirkii golaha wasiirada dawlada Somaliya oo masuul lagu eryay iyo codsi ay direen

Shirkii golaha wasiirada ayaa masuul lagu eryay iyo cida lagu bedelay masuulkaas. Shirkan oo la qabto maalin kasta oo khamiisa ayaa lagu lafo gurey arimo badan oo dalka ka jira.

Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow (Ducaalle) ayaa Golaha siiyey warbixin dhanka amniga ah sheegeyna in ammaanka uu aad u fiican yahay, ayna socdaan dadaalo lagu sii xoojinayo.




Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa Golaha Wasiirada warbixin ka siiyay shirkii uu uga qeyb galay New York, wuxuuna sheegay aduunyadu in ay u heelan tahay Soomaaliya.

Golaha Wasiirada ayaa sidoo kale intii uu socday kulankooda waxa ay Caalamka ka codsadeen in Dowladda laga cafiyo lacagaha lagu leeyahay, si dalka uu hormaro u gaaro.



Golaha Wasiirada ayaa ugu dambeyntii sheegay in ay xilkii ka qaadeen Xisaabiyihii guud ee Dowladda Soomaaliya Axmed Yuusuf Siraaji, islamarkaana xilkaasi loo magacaabay Xisaabiye cusub oo lagu magacaabo Faadumo Cismaan Faarax

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Iidaan Yoonis ayaa shirka kadib warbaahinta u faah faahiyay waxyaabihii kulanka looga hadlay.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS