Friday, April 19th, 2024
header










Meta







Hordhaca buuga xuquuqda dumarka ee uu qorey fadiilatu Sh Xuseen Muuse Sh Xasan

Buugan ama Kitaabkan waxaan kaga hadlayaa Qaar ka mid ah Xuquuqda Diinta Islaamku ay u sugtay haweenka, mawduucyadiisana mid walba iskii ayuu gooni isugu taagi karaa, wuxuuna Cinwaan u noqon karaa kitaab kale , laakiin waan soo koobiyay si ay isugu xidhiidhsanaadaan uguna muuqdaan Cashirro hal taxane ah.

Waxaanan Mawduuc walba ku xoojiyay Caddaymo isugu jira Aayado ka mid ah Quraanka kariimka ah iyo Axaadiistii Rasuulka-Naxariis iyo Nabadgelyo korkiisa ha ahaatee- Si waafaqsan Dhaqankeena iyo Casriga la marayo, Maadaama oo dhaqankeenu sida badan uu yahay mid ku salaysan Diinta Islaamka. waxaanan ku Qoray af Soomaali si sahlan loo fahmi karo.

Mawduuca Xuquuqda Guurka la xidhiidha wuxuu iftiiminayaa arrimo ay ka mid yihiin: Da’da Guur-galka ee Gabdhaha inay ka
billaabmayso Marxaladda Qaangaadhka iyo xoog-gaadhka, gabdhaha ayaa iska leh Dookha iyo Doorashada ninka ay rabaan, lagumana qasbi karo cid ayna iyagu rabin, Gabadhkasta waxay xaq u leedahay: galidda Heshiiska guurka, in laga doono Ehelladeeda, loona dhigo xafladda Doonista iyo Meherka Guuritiduna isdhaafsato Hadiyadaha lagu muujiyo sharfinta Gabadha ehelkeeda sida Hadiyadda Guntidda iyo
Hadiyadda Gabbaatiga.

Meherka gabadhuna waa inuu ahaado Hanti waxtar leh oo la guddoonsiiyo, waa in la diiwaangaliyo Dhacdada guurkeeda, waxay xaq u leedahay Helidda labbiska Marriinka, Agabka Guriga iyo Guri u gaar ah in loo diyaariyo, sidoo kale waxay leedahay Xaqa Galbinta waana in loo galbiyo si waafaqsan Dabeecadda Casrigeeda iyo dhaqanka Bulshadeeda sidaas oo aan ka baxsanayn Sharciga Islaamka,

Waxay leedahay xaqa Diiqada, Xaqa u dhigidda xafladda soo hoynta( Aqal-galka) iyo xaqa Malxiisad lahaanshaha iwm.
Xuquuqdaasi waa mid Diinta Islaamku ay siisay gabadhaha, mid walbana daliilka caddaynaya wuu la socdaa, Nasiib
wanaag dhaqanka Guurka ee Soomaaliduna sidaas ayuun buuu dhacaa sida badan.

Guurku waa Axdi adag ee Ma’aha inuu Ninku iska sarraysiinaayo Marwadiisa ama uu karaamadeeda meel kaga dhacayo, Gadhwadeenimada Ninkuna waa Daryeelidda reerka iyo Ilaalinta xuquuqda lagu leeyahay sida Masruufka, Marriinka, Daryeelka Caafimaadka, la dhaqmidda wanaagsan iwm.

Marwooyinka xaaska ah waxay leeyihiin Xuquuqda lagu leeyahay mid u dhiganta, Nolosha Qoysku waa inay Noqotaa mid ku dhisan Isku-xasilaad, kalgacayl iyo Naxariis u dhaxaysa lammaanaha, waxay Lammaanuhu isu ahaanayaan Hogaamiye iyo hogaamiye ku xigeen, mid walbana waxaa saaran inuu guto waajibaatkiisa gaar ahaaneed.

Haddii nolosha qoysnimo inay sii socoto ay noqoto mid aan suurogal ahayn iskhilaaf dhexdooda ku yimid awgeed, Haweenaydu waxay xaq u leedahay inay Dalbato kala bixidda, kaasoo loo yaqaano Khuluc(is-furitaan) sida uu ninkuba uu xaq ugu leeyahay inuu qaato go’aanka Dalaaqa(furitaanka) iyadoo ay marayaan sharciyada labada xaalo mid walba u dhigan.

Haddii ninku furitaan gardarro ah ku rido Marwadiisa
waxay Xaq u leedahay inay hesho Hanti Magdhaw ah taasoo dhaqan ahaan loo yaqaano Caaqibayn , sharciyanna loo yaqaan Hantida Mataaca ama dib u dejinta. Haddii Ninku uu horay u siiyay Hanti sida Guri, Jago, Beer, Dahab, lacag bankiga taalla
iyo xoolaha Nool sida geela, Lo’da , ma bannaana inuu dib uga qaato si kastaba ha u badnaatee. Marwada ayaa sharciyan iska leh Hantidas.

Haweenaydu xilliga Ciddada waxay leedahay dhammaan xuquuqda Sharcigu siiyay sida Guriga, Masruufka, Marriinka, Daryeelka Caafimaadka iwm. Haweenayda la furay markay muddada Ciddadeedu Dhammaato waxay xaq u leedahay inay guursato Ninka ay ku
raalli noqoto. Haweenayda dhammaysatay Ciddada Dhimashada waxay Xaq u leedaahay inay guursato Ninka ay raalli ka tahay, lagumana
Qasbi karo Dumaalid aysan iyadu ogolayn.

Haweenku waa Aadame karaamaysan sida Raga oo kale waxaana sida Raga loo Igmaday kaqayb galka Maamulka dhulka . Sidaas darteed, waxay leeyihiin Xaqa is-sharraxaadda, Xaqa Xubinimada xisbi siyaasadeed, Xaqa Ka mid noqoshada heerarka kala duwan ee Hay’adaha Dawliga ah sida Hay’adda Sharci dejinta, Hay’adda Garsoorka iyo Hay’adda Fulinta.

Haweenku waxay xaq u leeyihiin sida Raga inay qabtaan shaqo kastoo aqoonteeda (Qualification-keeda) iyo khibraddeeda ay leeyihiin ,tusaale ahaan: hadduu ninku haysto (degree law) ah kuna shaqaaloobay Garsoor, gabadhuna ay haysato isla caddanytiisa oo kale, waxay xaq u leedahay inay noqoto sidiisa Garsoore, mushaarkiisa mid la mid ahna ay qaadato, Cidna xaq uma laha inay u diido shaqada aqoonteedu ay siiso.

Xaga Labbiska Haweenku waxay xaq u leeyihiin inay xidhaan dharka munaasabka ah ee casrigooda iyo degaankooda laga yaqaano islamarkaasna waafaqsan Diinta Islaamka sida Googoradda, Diraca, Masarka iyo Shalmadda, kaasoo ah Labbiska Sharciga ah ee Haweenayda Muslimadda ah, waana Labbiska is-asturaadda iyo xishoodka, haweenaydu waa inay ku ekaataa dharkeeda iyo dhaqankeeda wanaagsan.

Waxaana dusheeda saaran inaysan la imaanin ka bad-badin arrintan ku saabsan sidoo kale waxaa saaran haweenayda inay ku dhaqanto Aadaabta Quraanku uu dhigaayo, waana inaysan u kasin muujinta meelaha soo jiidashada leh jidhkeeda oo ayna
dardar galinin Dareenada Raga, sida iyadoo isku jejebinaysa ama ugu nuglaanaysa hadalka, Waxaana ku waajib ah laabista
indhaheeda iyo dhawridda xubinkeeda taranka sida Ragaba ay
waajibka ugu tahay oo kale.

Waxa loo yaqaano Niqaabka oo ah Maro wajiga lagu qariyo kuma salaysna aragti diineed oo la isku waafaqsan yahay, wajigu waa meesha dadku isku garto, qofka qariyayna waa qof dafiraya shakhsiyaddiisa Aadaminimo oo raba inaanan la garanba, dhinaca kale Niqaabku wuxuu noqday shay loo adeegsado fulinta falal-dambiyeedyada waawayn, shakina kuma jiro inuu qofkaasi bulshada ammaankeeda halis ku
yahay.
Qaybinta dhaxalku waxay salka ku haysaa xikmado Rabbaani ah mana aha sida dadka qaarkii ay moodayaan in Haweenka wax la duudsiiyay, waxaana jira xaalado labku badanaayo dhaxalka iyo xaalado dhedigu badanaayo dhaxalka sidoo kale waxaa jira xaalado dhaxalka ay siman yihiin labka iyo dhediguba.

Haweenka iyo Ragu way siman yihiin Ilaahay Hortiisa, waxaana ugu sharaf badan kolba ka ugu dhawrsashada badan, Haweenku waxay xaq u leeyihiin inay Aqoonta Diinta iyo tan maadigaba heerarka ugu sarreeya ka gaadhaan oo ay Noqdaan Sheekhyo waawayn iyo Doktoorro barafasoorro ah.

 

Haweenka wanaagsani waxay jannada gudaheeda ku leeyihiin wax kastoo ay doonaanba, iyadoo Ilaahay agtiisana dheeraad
jiro.
 Xuska Ciidaha maalinta Haweenka iyo Maalinta Hooyada ee Adduunka waa munaasabado ku bannaan Sharciga Islaamka wax xuskooda diidayana majiro.

Si kasta oo aynu uga warranno Xuquuqda Haweenka, haddana kollaba ma gaadhsiin karayno Martabada ay u qalmaan iyo Kaalinta ay ku leeyihiin guud ahaan Jiritaanka Aadamaha, Haweenku waa lafdhabarta Bulshadu ku tiirsantahay, la’aantoodna lama uunnaadeen sababtoo ah iyaga ayaaba ah Beertii tafiirta aadamuhu ay ka soo baxaysay, waxay ka kooban yihiin Hooyo, Walaal, Oori iyo
Inan.!

Hooyada cid lagu misaali karaa ma jirto, Aabahana waxay ka xaq badan tahay saddex jeer, walaashuna waa ta hooyada kuu soo
raacda illeen Uurna waad la gashay Naasna waad la jaqdaye, waxaana daraasad lagu ogaaday xilliga Dhib ku qabsado cidda kuugu soo Horraynaysa inay tahay Hooyada iyo walaasha.

Sidoo kale Xaaskaaguna waa tii Naftaaduba ay ku degtay ee huga kuu noqotay, Inanta aad dhashayna waxaa la ogyahay inay Aabaheed uga Naxariis badan tahay wiilasha.

Haddaba Haweenku waxay mudan yihiin in la ilaaliyo Xuquuqdooda si gaar ahaaneed iyo si guud ahaaneedba , waa in ixtiraam iyo qaddarin loo muujiyo xataa marka khudbad loo jeedinayo Rag iyo Dumar wada-fadhiya Munaasabad ka mid ah munaasabaadka waxay u qalmaan in la siiyo mudnaanta koowaad oo xaga sheedgista haweenka la horraysiiyo sida Ilaahayba u horraysiiyay oo kale :
وَالطَّيِّبَاتُ لِلطَّيِّبِينَ وَالطَّيِّبُونَ لِلطَّيِّبَاتِ)

(Gabdhaha wanaagsan waxay u sugnaadeen (u qalmaan) raga wanaagsan, Raga wanaagsana waxaa u sugnaaday (u qalmaan)
Gabdhaha wanaagsan) Al-nuur26.

Sidaasi awgeed waa in Hadalka lagu billaabo: Marwooyin iyo Mudanayaal, taasoo ay isticmaalaan sida badan Madaxdeena iyo madaxda Caalamkuba, waxaad aragtaa inay waafaqsan tahay Tilmaanta Quraanka.

Ugu dambayn Waxaan huray waqti iyo maskax si aan ugu adeego
Bulshadayda ugana qayb qaato halganka loogu jiro Samokatalisnimada, Kobcinta wacyiga iyo la dagaallanka caadooyinka xun xun, waxaanan la imid wixii aan filaayay waxtarkiisa, haddii aan wax ka gefana waxaan leehay Niyadsami aan ku rajeeyo dhaafidda gefefkayga, haddaanse dhabtii ku hadlay- waana sidaan filayo e- waxaa ku waajib ah Aqoonyahannada isu min guurshay culuumta Diiniga ah iyo tan maadiga ahba inay ka shaqeeyaan faafinta waxa aan ku hooyay xaashiyahan dhexdooda kuna taageeraan Aqbalaad iyo shaqo.
Ilaahay ayaa mahad leh mar hore iyo mar dambaba, Naxariis.

Buugan ayaa dhawaan soo bixi doona Insha Allah

 



Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...