Saturday, April 20th, 2024
header










Meta







Dhaliilo Dul-hooganaya Shirkada Isgaadhsiinta TELESOM oo Shacabka u jaqda Sida Gofanaha

Waa su’aal da’waynoo madaxa daalinaysee Sheerka Shirkada Isgaarsiinta TELESOM ma xalaalbaa mise waa xaaraan!?!? inta saaxiib Aqliga ah ayaa ka jawaabi doona , Akhristoow usoo daadag dulucda xogtani waana sidatan:-

Shirkada Telesom oo la Asaasay Sanadkii 2001 Ayaa Baadhis Qoto dheer waxa la ogaaday inay ka mid tahay Shirkadaha Somalidu Leedahay kuwooda Ku Shaqeeya Illuminati System.



Markii Hore waxaa la Odhan Jiray Al-Barakaat Laakiin Mar Danbe ayaa loo Bixiyay Telesom Logo-deedana laga Dhigay ILLUMINATI LOGO .

Taasi waxay kuu Cadaynaysa Ninka ugu Lacagta Badan Illuminati Waa Bill Gate wuxuuna shir lagaga Hadlayay Technology-yada Suuq ugu sameeyay Telesom oo aynu Ognahay Shaqadeedu inay tahay Dalka Gudihiisa.



Haddaba waa maxay Logo-da Telesom Maxaase Ka Dhaxayn kara Illuminati Marka loo eego Magaceedii hore oo Magac qaaliya ku ah Diiniyan iyo dhaqan ahaanba soomaalida. Maxaase keenay logo-dan iyo magacan, mida kale ZAAD bal u fiirso logoda Zaad-ka laba saddex gees ayaa labada dacal ka jeeda magaca ZAAD-na wuu u dhaxeeyaa marka la isu keenana loga-da Illuminati ayaa ka soo baxaysa oo dhamaystiran.

Ku weerari mayno TELESOM Laakiin waa in la is weydiiyaa Sababta ka Danbaysa Telesom Logo-deeda iyo Xidhiidhka Illuminati.

Illuminati waxa cabuda dhamaan dadka dunida caanka ka ah waxayna la yihiin saaxiib dhow shaydaanka islamarkaana waa wax ka fog muslimnimo waxana kow ka ah Bil-Gate oo loo yaqano qofka dunida ugu Hantida badan.



Hadaba Su’ashu waxay tahay TELESOM Wadanka waxba ma soo galiso Kamana Qayb Qaadato Horumarka Wadanka Sababtoo ah waxay u hurta ayna xidhiidh Qoto Dheer la leedahay Shaydanka Waayo waxaad ka garan kartaa Calaamadaha Ugu Xardhan Astaamaheeda Sida tusaale Ahan ZAAD Service.

Hadaba Waxaan Ku war galin lahaa Dhaaman Dadka Indheer Garadka Ah inay arinkaasi Fiiro gaara siiyaan Waxna laga qabto Waayo, dhiig miirashada shacab ay ku hayaan , arxan darada , biiraha , ay sanadkasta ay u dhintaan 150,000 in ka badan dalka .

Hadaan la iska Qaban Berina waxa lagu arki Doona Wadanka Shirkado kale oo wax ka daran keena Waxayna fariin U tahay Shirkadaha Jaajusnimada wadanka ka wada Dadkana baraya Dhaqamada Faraha Xun leh .



Shirkada TELESOM Faraceeda Somaliland waxay haysaa dhiig-miirasho Shacab waana sitan :- sanadahan danbe telesom waxay la soo baxday in habeenkasta lacagta kuugu jirta ay si toosa ula baxdo.

Hadase waxay la soo baxday kaarto cusub aad cajiib!! u ah. Shalay ilaa maanta Macaamiisheeda lacag aaney dalban $0.8 doolar ayay toos kaaga jaraysa, shuruudna kaaga dhigaysaa inaad eegi karin hadhaaga, ilaa aad aqbasho lacagtaa kor ku xusan.

Hadhaaga ma eegi kartid ilaa aad Aqbasho shuruudooda markaad garaacdo *122# dial , ka dibna lacagtaa aad bixiso waa simcard-ka #Telesom maxayse tahay tuugnimadaasi !?!? Tusaale intaas qof oo wata Simacard-ka Shirkada TELESOM 800,000×$0.8=$640,000 US doolar ayey faa’iido ma odhan karnee Waa tuugii 24 saac ee u danbeeyey.



Adeegyada Faraceeda Hormuud Koonfur somaliya iyo Telesom Somaliland Sidaan wada ognahay waxa 100% adeegyada ka Qiimo Jaban tahay koonfurta Somaliya. Dhiig-miiratada faraca somaliland waa telesom’e akhristoow waa kaaf iyo kala dheeriye bal eeg qoraalkan hoose labo tusaale inagoo kusoo qaadanayna ,Tusaale isbar-bar dhiga adeegyada koonfur HORMUUD iyo waqooyi TELESOM waa sidatan :-

1) a. Faraceeda konfurta Shirkada HORMUUD waxaad ku hadli kartaa $1 waa 70 daqiiqo ku hadli karta u dhiganta 1 saac iyo 10 daqiiqo.



b) $1 waa 1000MB ama ( 1GB) ee internet-ka u bedelan karto (data bundle) .

2 ) a. Faraceeda Waqooyiga waa somalilaan’e Shirkada TELESOM waxaad ku hadli kartaa $1 waa 14 daqiiqo kaaga darane sii dheertahay Hadhaaga aad habeenkii kaga seexato lacagtii aad bixisay ay kaa saaranayso been kama sheegayo qofka isticmaala ayaa garan kara.

b) TELESOM $5 waa 1000MB ama (1GB) markaad internet-ka u bedelanayso (data bundle.)

NB:- Shirkada #telesom shacabka ha ka dayso arintaasi aan kor ku sheegay’
Bal adba ila tijaabi adigaa ogaan doonee



FG: Nebi Maxamed (NNKH) , ayaa hore inoogu sii sheegay , in caalamadaha dijaal ay iman doonaan , waanad u jeedaan isha Gor-gorka ee LOGO TELESOM.

Waa su’aal da’waynoo madaxa daalinaysee Sheerka telesom ma xalaalbaa mise waa xaaraan inta saaxiibu Aqliga ah ayaanbaa garan kara !!) Waa murtidii “IHU” Abwankii H.SH.M

Lasoco….
Email: yaabe99@hotmail.com

©Mukhtar Cali Aaden



Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...