21/11/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Iiraan oo farta ku fiiqday Yuhuuda kadib markab ay leedahay oo dab qabsaday

Iiraaan ayaa farta ku fiiqday Yuhuuda kadib markii markab xamuula uu dab ku qabsaday badda u dhaxaysa Carabta iyo Yurub. Markabkan ayaa siday shixnad kala duwan oo ay leeyihiin macaamiisha Yurub.



Markabkan oo maraya badda u dhaxaysa Carabta iyo Yurub gaar ahaan meel aan sidaa ugu fogeyn Yuhuuda ayaa waxa ku soo dhacay wax loo maleeyay gantaal yar oo dhinaca cirka uga yimi, waxa dab qabsaday qaybta dambe ee markabka.

Waxana markiiba lagu guulaystay in dabkaas la bakhtiiyo. Wargeys ka soo baxa dalkaasi Maraykanka ayaa qorey in Yuhuuda iyo Maraykanka oo is wata ay dhowr waxyeelo u gaysteen maraakiibta maraysa badda cas iyo ta Somaliya, ina baddaan ku weeraraan miinooyin.



Yuhuuda ayaa Iiraan ku eedaysay inay ka dambeyso markab xamuula oo marayay gacanka Cumaan oo miino ku qaraxday. Yuhuuda ayaan keenin wax cadayna.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS