Monday, April 19th, 2021
header










Meta







Yaa Kiiniya kula taliyay inay markale ka cararto fagaaraha dooda badeena iyo maxayse sugeysaa

Waxa xalay warar aan la xaqiijin sheegayeen in Kiiniya si rasmi ah markale uga carartey goobta fagaaraha ee maxkamada caalamiga ee ay taalay badda ay nagu haysato. Waxaadse is weydiin kartaa yaa kula taliyay inay halkaas wax dooda ka gaysan.


”Waa la ogaa horena waa loo ogaa inayna Kiiniya haba yaraatee haysan wax dooda oo ku saabsan baddeena ay rabtey inay si sahala ku qaadato ayuu yiri Xuseen Warsame

Waxase dooda weyn ka dhex taala yaa kula taliyay inay goobta ka cararto isla markii dacwadan bilaabanteyda ileyn qof wax xaqiiqa wataa ma cararo.



”Taageereyaasha ugu weyn ee Kiiniya sida Maraykanka iyo Ingiriiska waxay kula taliyeen inayna aadin maxkamada markii ay fiiriyeen sida loogu garaacayo goobtaas waayo khuburada qaar ee Somaliya u doodaya oo ka soo jeeda wadamadaas ayaa og inayna arin meesha ku hayn ayuu yiri Xuseen Warsame

Maraykanku ma rabo in arinta badda ku dhamaado maxkamada caalamiga wuxuuna kula taliyay Kiiniya inay dacwadeeda soo ceshato. ”Somaliya awood maleh ay ku haysato baddaas waayo ciidanka Kiinikya ayaa jooga Somaliya ayuu yiri taageere ka tirsanaa xisbigii xagjir Taram marka Kiiniya yayna tagin.



”Waa muhiim in Somali ahan aan fahano cida aan la macaamileyno waayo Kiiniya waa dal aan waxba ina dhaamin inkastoo inagu 30 aan burbursanayn isagu 30-kaa sano wuxuu ka shaqaynaayay inuu ina kala sii fogeeyo.

Aakhirkiina waxaa loo sheegay si aad badda u ilaashato waa inaad gashaa gudaha dalka xad beeneedkana aad u kordhisataa adoo silig ku xiraya.



Kiiniya waxaa lagu yiri dagaal mooyee si kale oo aad ku xaqiijin karo muranka aad wado ma jiro waana go’aanka ay uga carartey maxkamada, waxana lagu yiri yayna la soo bixin kheyraadkaas.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS



Readers Comments (0)





Warning: Use of undefined constant end - assumed 'end' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/s8724/public_html/wp-content/themes/codkadalka_theme1/functions.php on line 1037
Wararka xiga

Kiiniya oo ku qarxisay Muuse Biixi: Waxba kuuma hayno ilaa Farmaajo dhacayo

April, 18, 2021
Waxa dhaaftey mudadii Kiiniya qabsatey inay qunsuliyad kaga ...

Madaxweyne Farmaajo oo kulan la qaatey kooxda beesha caalamka ugana digey farogelin

April, 18, 2021
Madaxweynaha Somaliya ayaa kulan la qaatey kooxda beesha ...

Naa adi halkan maxaa ku keenay dadbaa iska lehe: Qayb kale XUJO

April, 16, 2021
Waa qayb kale oo xiise leh taanaha XUJO ...

Ciidanka xooga oo Afrikaanka kala wareegay qayb ka mida amniga

April, 16, 2021
Ciidabka xooga dalka ayaa qayb ahaan kala wareegay ...

Madaxweyne Farmaajo oo sharaxay sida kolba ajaanibtu u fashilin jireen doorashada dad-ban

April, 16, 2021
Madaxweyne Farmaajo ayaa markii ugu horeysay ka hadlay ...


Warning: Use of undefined constant end - assumed 'end' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/s8724/public_html/wp-content/themes/codkadalka_theme1/functions.php on line 1037
Dhacdooyinka

Dawlada Somaliya oo jawaab degdega siisay kooxda beesha caalamka

April, 14, 2021
Dawlada Somaliya ayaa jawaab degdega siisay kooxda beesha ...

Dhiigmiiratada shabaab oo isku qarxisay maqaaxi iyo dhalinyaro ay xasuuqeen

April, 3, 2021
Booliiska magaalada Muqdisho ayaa ka waramay khasaaraha ka ...

Raiisal wasaaraha oo sharaxay waxa fashiliyay kulan uu la qaatay musharixiinta Hawiye

March, 5, 2021
Waxa xalay aroor hore burburey kulan u dhexeeyay ...

Barlamaanka Maraykanka oo cabsi awgeed codsaday in askartu sii joogaan

March, 4, 2021
Xarunta barlamaanka Maraykanka oo ay sanadkan horaantiisa la ...

Dawlada oo lagu dhaliilay inayna gargaar ku filan geynin gobolka Gedo

March, 3, 2021
Waxa gobolka Gedo deegaano hoostaga ka taagan abaaro ...

Maxkamad mag ku xukuntey nin la nool caabuqa aydhis oo kufsi gaystey

March, 3, 2021
Xeer ilaaliyaha maamulka Butlaan oo la hadlay warbaahinta ...

Kooxda sheegata beesha caalamka oo markii shanaad diidey shirka beri

March, 3, 2021
Kooxda sheegata beesha caalamka ayaa markii shanaad diidey ...