Tuesday, April 16th, 2024
header










Meta







Imaaraadka oo istusaya Muuse Biixi iyo Siciid Deni xulafana ka dhiganaya

Madaxa Somaliland ayaa markale Imaaraadku diyaarad ku qaaday bil kadib markii uu sidan oo kale uga dhoofiyay Hargeysa. Diyaarad ay Imaaraadku leeyihiin ayaa Hargeysa ka qaadey Muuse Biixi iyo inyar oo ka mida wasiirada beeshiisa. Waxa xusid mudan in madaxa Puntland isaguna welli ku sugan yahay Imaaraadka.



Wararka qaar ee aanu helayno ayaa sheegaya in Imaaraadku rabo inuu xulafo beeleed la galo maamulada Puntland iyo Somaliland, oo ujeedadu tahay sidii loo hakin lahaa dadaalka lagu rabo in dalku yeesho dawlad dadku leeyahay.

Xulafada wahaabiyada ayaa hore ugu guulaystey inay heshiis dhex dhigaan Itoobiya iyo Eritariya taas oo Asmara u saamaxdey inay ku soo laabato bulshada caalamka.



Lama garan karo waxa Imaaraadku ka qaban karo muranka u dhexeeya labadan maamul waxase cad inuu rabo xulafo ka dhana dawlada dhexe.

“Waad fahmi kartaa maaha arin dani ugu jirto dawlada Somaliya iyo dadka Somaliyeed oo gebi ahaanba dibedda ka joogta, lacagta uu la wareegayo Imaaraadku ee jeebka u buuxinayo shaqsiyaad ay ku jiraan Muuse Biixi iyo Siciid Deni si ay fuliyaan danihiisa ayuu yiri Xasan Warsame oo Hargeysa jooga.



Si kastaba ha ahaatee waxa la sugaa waxa ka soo baxa iyo haddii ay shir jaraaid wada qabtaan. “Way soo kala dhamaysteen Muuse Biixi markii uu tagey marka hadda ma arko in wax cusub soo kordheen aan ka ahayn inuu gacanta isku saato Muuse Biix iyo Siciid Deni ayuu raaciyay Xasan Warsame.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS



Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...