Monday, May 20th, 2024
header










Meta







Imaaraadka oo laga bilaabay khamaar xalaala sideese u shaqeeyaa

Shalay ayay ahayd markii magaalada Dubay la dhigey khamaarkii ugu horeeyay ee la sheegay inuu xalaal yahay. Lacagta lagu furey ayaa ahayd lacag gaaraysa 100 kun oo doolar oo uu ku guulaystay qofkii ugu horeeyay. Sabtida soo socota ayaa waxa taala lacag gaaraysa 10 milyan oo doolar oo la siin doono qofka ku guulaysta.



Haddii la waayo qof ku guulaysta waxa lacagtaas lagu darayaa lacagaha kale waxana Sabtida ku xigta sii badanaysa lacagta taala ee la helayo.

Haddaba sidee u shaqaysaa

Maamulka Imaaraati Loto oo ah magaca khamaarka xalaasha ayaa sheegay in tartankan ay ka soo baxdey fatwo ka dhigeysa xalaal lacagta la helayo iyo sida loo iibsanayaba.



Maaha khamaar ee waa mashruuc aad wax ku urursanayso ayuu yiri maamulaha. Waxaad iibsanaysaa kaadhadh oo aad urursanaysaa waxaana kuu furan fursada aad uga qayb gasho tartanka usbuuclaha ama kaadhadhkaasi waa iska haysan kartaa.

Waxaad ku iibsan kartaa kaadhadhkaas hab internet ah meelkasta oo aad joogto aduunka ama waxaad ka iibsan kartaa meelo badan oo ku yaala Imaaraadka.



Sawirka hoose waa kaadhka aad iibsan karto si laguugu daro qori tuurka dhaca Sabti walba. Waxana ku sawiran astaamaha Imaaraadka.

Kaadhadhka sare ayaa waxa la daabacaa in kooban waxana dhacaysa in aanad helin. Maamulaha shirkadan ayaa sheegay in kaadhkasta leeyahay lambar qofku eeganayo inuu wax helay iyo in kale. Qofka lixda lambar wada hela wuxuu helayaa lacagtoo dhan halka qofka 5 lambar helaana uu qaadanayo lacag fiican.



Qofka 4 lambar helaana uu helayo lacag halka qofka sadex lambar helaa lagu darayo usbuuca ku xiga asagoo waxva bixin.

Sabtida soo socota waxa taala lacag gaaraysa 10 milyan oo doolar. Xilli lagu jiro dhaqaale hoos u dhac waxaa noo qorshaysan in aan lacagta ugu badan siino laamaha dawlada iyo hay’adaha sadaqada bixiya si danyarta loogu gargaaro ayuu yiri maamulaha shirkadan.

Lama garan karo in shirkado kale soo bixi doonaan mar haddii culimada Imaaraadku ku sheegeen xalaal. Waxa laga iibsan karaa kaadhadhka bogga Emirates Loto.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS



Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...