Ingiriiska ayaa ku daray Somaliya wadamada laga rabo dadka ku soo safraya Ingiriiska in muddo 10 cisho ah lagu hayo huteel dawladu xadiday ilaa laga waayayo hargabka Karoona. Waxa intaas ka daran lacagta huteelka oo qofku iska bixinayo.
Lacagta guud ee ku baxaysa qofkaas ku soo noqonaya Ingiriiska markii la geeyo huteelka waxay isku noqonaysaa £1750 oo ah lacagta giniga Ingiriiska.
”Waxa dhibka ugu weyn soo gaarayaa dadka haysta dhalashada Ingiriiska ee hadda ku sugan Somaliya laga bilaabo Jimcaha soo socda haddayna kahor iman haddii kale laga rabo in huteeladaas qaaliga ah lagu xereeyo ayuu yiri Xuseen Warsame. Dadka kale ee aan u dhalan maba helayaan fiisaha.
Itoobiya ayaa algu daray shalay oo Isniina lagu daray liistada wadamada la diidayo inay yimaadaan Ingiriiska haddii aanu u dhalan Ingiriiska.
C/llaahi Warhaye
ARAABINEWS
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay