Sunday, May 19th, 2024
header










Meta







Itoobiya oo ogaatay in Maraykanku dhinaca satalaytka ka caawinayo Tigreega

Golaha wasiirada dawlada dhexe ayaa ku dhawaaqday in dalku maanta oo Salaasa galay xaalad degdega. Caasimada ayaa dadka loo sheegay inay iska fiiriyaan cida guryaha ka kiraysanaysa dibna u soo diiwaan geliyaan qoryaha sharciyaysan.




Waxa kale oo la dhigay wadooyinka waaweyn ee soo galaya caasimada xanibaado si loo ogaado cida soo galaysa. Talaabadan ayaa timi kadib markii falaagada Tigree ay dhuumasho ku galeen deegaano ka tirsan gobolka Axmaarada kadibna dad shacanba xasuuqeen.

Satalaytka cirka

Sarkaal u hadlay ciidanka Itoobiya ayaa sheegay inay ogaadeen in Maraykanku ka caawinayo falaagada dhinaca satalaytka ayna ka baydhayaan goobaha ay ciidamadu joogaan.



”Waxaan sirdoon ahaan ogaanay in ajaanib ay ka caawinayso dhinaca satalaytka taasina keentay in falaagadu ka leexanayaan goobaha ciidanka kadib sheeganayaan inay qabsadeen magaalooyin ayagoo si dhuumasho ku soo galaya ayuu yiri sarkaalkan magaciisa qariyay.

Sidaasi darteed waxa muhiima maadaama ciidanku aan joogeyn magaalo kasta waa in shacabku digtoonaan qabaan haddii kale sida shacabkaa loo xasuuqay ayaa la idiin xasuuqi ayuu raaciyay sarkaalku.



Tigreega oo si xun loo garaacay ayaa hadda ay ku soo hadhay dhuumasho ay ku galaan magaalooyinka shacabku degan yihiin siiba gobolka Axmaarada.

Sadex milyan

Maamulka Axmaarada oo iyagu fasaxay dhamaan shaqooyinka xafiisyada ayaa dalbanaya 3 milyan oo qorya qaada oo gebi ahaanba maabka ka saara Tigreega yar ee buuraha ku dhuumanaya.



Farogelinta reer galbeedka siiba kharashaynta Tigreega ayaan wax badan sii socon doonin waxayna qasbaysaa in milatariga Itoobiya mar labaad dib u qabsado gobolka Tigree. Waxase hadda walwal ku haya dawlada dhexe waa dhuumalaysiga Tigreega,

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS



Readers Comments (0)




Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...