Wararka aan ka helayno xarunta gobolka Sool ee Laascaanood ayaa sheegaya in jabhadda dib u xoreynta gobolada SSC ay gudaha u galeen degmadaas halkaasna ay waxyeelo u gaysteen qaar ka tirsan taageereyaasha maamulka Somalilaan.
Dagaalka oo uu hogaamiyaano gudoomiyaha Jabhadda Faysal Falaalug ayaa ka soo galay dhinaca buurta Sayidka ee bariga magaalada halkaas oo ay la wareegeen saldhig ku yaalay kadibna Ka sii daayeen maxaabiis. Wararka ayaa sheegaya inuu jiro khasaare.
Badhasaabkii maamulka Somalilaan u joogay Laascaanood ayaa Isla markiiba ooda jabiyay una cararay dhinacaas iyo deegaanka Adhicadeeye. ” Waxay u muuqataa bilow waxana soo ifaya ifafaale qaranku dib ugu xoreysmayo ayuu yiri Xuseen Warsame mar haddii dhiigmiiratadii shabaab la burburin rabo.
Maamulka SSC ayaan welli war rasmiya ka soo saarin khasaaraga ay gaysteen.
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay