Tuesday, April 16th, 2024
header










Meta







Jawaari oo diiday inuu aqbalo madaxweyne lagu dooranayo maamulka sadexda gobol ee ka socda Baydhabo: Warsaxaafadeed

Jawaari-170x114[1]Baydhabo 17 Nov 2014–Gudoomiyaha barlamaanka ayaa diiday inuu aqbalo natiijada doorasho la filayo in ay maanta ka dhacdo magaalada Baydhabo halkaas oo dawladu hore u hakisay hanaankii wax u socdeen warsxaafadeedna ka soo saartay. Maamulka lixda gobol ayaa iyagu qaadacay.

Shariif Xasan ayaa ka mida raga isku soo sharaxay maamulka sadexda gobol iyadoo dad badan ka qaylinayaan in aanu waxba ku soo kordhinayn.

Warsaxaafadeedka ayaa u qornaa sidan soo socota:

Iyadoo sidoo kale la ogsoon yahay go’aankii Ra’isulwasaaraha Xukuumadda ee soo baxay 01-11-2014 oo cadeynayey in aanan la qaban karin doorasho inta ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka hubineyso iney si buuxda uga wada qeyb qaataan qeybaha bulshada ka go’aan gaarista masiirka iyo maamul u dhisidda gobollada Koonfur Galbeed.

“Hadaba ayadoo la xeerinayo qodobbadan kor ku xusan waxaa halkan looga digayaa guddiga iyo ergada shirka maamul dhisidda Koonfur Galbeed iney ku kicin wax carqalad ku keeni kara habsami u socodka maamul dhisidda gobollada Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo sidoo kale go’aammo dhalin kara carqalad,xasilooni darro iyo dib u dhac baaxad weyn oo ku yimaada xaqiijinta himilada dhismaha maamul loo wada dhan yahay.

Ugu dambeyn waxaan halkaan ku cadeynayaa natiijo kasta oo khilaafsan go’aannada Dowladda ee kor ku xusan ineysan Dowladda Federaalka Soomaaliya aqoonsan doonin ayadoo taasina ay xad gudub ku noqoneyso Dastuurka Dalka qodobkiisa 48aad,farqada 2aad ee siineysa Xukuumadda Federaalka awoodda hagidda iyo maamul dhisidda gobollada dalka,mas’uuliyadda wixii cawaaqib xumo ah ee ka yimaadana ay qaadi doonaan cidii ku xad gudubta go’aammada Dowladda Federaalka Soomaaliya.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS.COM

Readers Comments (0)




Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...