Monday, May 20th, 2024
header










Meta







Kacdoonka ka dilaacay Adal waa siduu u bilaabmey maxaa xiga maxaase u baahan in laga hortago : FAALO QOTODHEER

images[8]Kacdoonka ka bilaabmey gobolada Adal waa siduu u bilowday mana joogo ka noqod waana kacdoon 23 jirsaday markii ururkii SNM ee isku xasuuqay Hargeysa iyo Burco lagu heshiisiiyay Boorama halkaana lagu dhisay maamul ayna Samaroonku intiisa badan waxba ku lahayn laakiin ahaa mid lagu xoojinayay nabad dan u ahayd ururkii SNM iyo beesha ay ku abtirsadaan.

Waayo waxa jiray hal hadaf oo SNM wadatay waa midka ugu weyn oo ah gooni goosad taas oo gobolada ADAL, SOOL IYO SANAAG hore u diideen 1960.

Kacdoonkan hadda lugaha isku taagaya ee reer Adal ayaa hadda maraya diyaargarow waxana maamulka hadda loo yaqaan beesha dhexe isku diyaarinayaa sidii ay ugu dhiig bixi lahaayeen waxa siyaasintoodu ugu yeeraan magaca ”Somaliland” oo aad moodo in Ingiriisku u wakiishay iyaga kaliya.

Hadaba maxaa xiga kacdoonkii waa xoogeystay waxana hadda wada kacdoonkan salaadiin iyo waxgarad ka soo jeeda gobolada Adal. Aan kala qaado intaan ka ognahay ilaa hadda kacdoonkan.

Suldaanada iyo madaxda kale ee reer Adal ee uu ilaa hadda hogaamiyo Suldaan Wabar waxay ku midoobeen in ay dadkooda u dhisaan maamul la jaanqaada maamulada qayrkood dhisteen ee ka jira dalkii la odhan jiray Somaliya oo hadda jufo kasta leedahay maamul goboleed.

Hadaba suaasha dad badan is waydiinayaan ayaa ah waa maxay talaabada xigtaa halkee laga bilaabayaa kacdoonka si loo gaaro hadafka loo baxay maxayse yihiin caqabadaha ka hor iman kara sideese dadkooda taageersan (REER ADAL ahaan) u heli lahaayeen taageeradooda.

Maxaa xiga maxaase u baahan in laga hortago

1-Waa inay la yimaadaan hogaan khibrad u leh arimaha noocana ayna dejiyaan khidad maamulkaasi sheeganaya dhulka Adal loo samirsiin lahaa (looga adkaan lahaa) ayna cadahay qadiyada ay wadaan ee ayna marnaba ahayn WAXBAA NAGA MAQAN.

2-Waa in aan lagu deg degin ku dhex dagaalanka magaalooyinka Samaroon iyadoo SNM si kale oo fudud looga guulaysan karo.

3-Waa in SNM ayna helin gurmad ay ku soo gaadho magaalooyinka ama askartooda daacada u ah ee jooga Adal laguna soo rogaa xanibaad.

3- In qofwaliba halka uu khibrad u leeyahay looga dambeeyo lagana fikiraa fursadaha u furan SNM ee ay ku diciifin karto kacdoonka iskuna diri karto beelaha Samaroon ee aan colaadu ka dhaxayn.

4-Dagaal magaalo ma dhamaado waxay ila tahay waa in SNM loo ogolaan kaliya inay weerar ku tahay magaalooyinka Samaroon ee ay dareento culayska saaran.

5-Waa In SNM oo sheeganaysa mulkiyada gobolada Woqooyiga la tuso haddii Saylac gubanayso in Hargeysana nabad ku seexan.

6- Waa In la saaro cunaqabatayn diyaaradeed iyo mid deked haddii SNM doorato dagaal.

Waxana laga doonaya madaxda horkacaysa kacdoonka in mowqifkoodu cadyahay uuna yahay mid ku dhisan hadafka ah Samaroon oo iskood isku xukuma iyo iyaga oo aan cidkale u daba fadhiisan masiirkooda.

Caqabadaha ugu weyn ee kahor imaankara kacdoonka ayaa ah in SNM ku guulaysato iskudirkooda iyadoo adeegsanaysa askarta gobolka iyo salaadiin dano hoose oo aan meelfog gaarsiisney wata.

Waxana lagu maareyn karaa talaabooyinka la qaadayo oo ah kuwo miisaanleh oo aan marka hore hoos u dhigin qofku halkuu taagnaa.

Qalinkii Maxamed Yuusuf oo ka tirsan tafaftirayaasha warbaahinta ARAABINEWS.COM.

araabimedia@gmail.com

Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...