X

Khabiir ka shaqeeya warshad Maraykanku duqeeyay Siiriya oo saxaafada la hadley

Khabiir ka shaqeeya warshad Maraykanku duqeeyay Siiriya  ayaa saxaafada la hadley. Maraykanka ayaa gantaalo ku garaacay Siiriya Subaxnimadii Sabtida halkaas oo intooda badan la soo ridey.



Maraykanka ayaa kala kulmey khasaare xoogleh ayadoo ciidanka cirka ee Siiriya oo isticmaalaya hub Ruushkii hore siiyay ay dhulka soo dhigeen gantaalo midkii yahay 200 000 oo kun oo doolar.



Siciid wuxuu ahaa khabiir dhinaca daawada ah oo ka shaqaynaayay warshadaas hadda burburtey ee ku taalay duleedka Dimishiq wuxuuna sheegay in goobtan lagu eegi jirey daawooyinka dhaca iyo amniga madaamadaha.

Siiriya ayaa dhinaca kale soo bandhigtey hubkii raaxada ka qaadey gantaaladii lagu soo ganay.

Ciidanka Siiriya ayaa hilfaha u qaadey argagixiso ku xirnaa guryaha shacabka ee ay barakiciyeden. Argagixisadan ayaa waxa taageersanaa Turkiga iyo Sucuudiga oo uu hubaynaayay Maraykanku.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.