Khasaare xoogleh ayaa Ka dhashay fatahaada webiga Jubba gaar ahaan degmada Baardheere iyo nawaaxigeeda oo dadku Ku noolaayeen wax soo saatka beeraha. Waxa la sheegayaa in ilaa 5600 oo qof oo deganaa nawaaxiga Baardheere ay khasaare ka soo gaartey fatahaada webiga.
Ilaa 2 kun oo beerood oo ku teedsan afaafka webiga Jubba ayaa fatahaada soo gaartey waxana dhex fadhiya biyo sida ay sheegeen Masuuliyiinta degmada Baardheere. Waxay taasi keenaysaa in sicirka cuntada ee xilligan uu saro u kaco.
Waxa fatahaadan ku farxay hay’adaha gaalada ee keena raashinka dhacay xilli ayna jirin dawlad xooga saartey wax soo saarka dalka. “Ma jiro dawladsn iyo kuwii Ka horeeyayba wax ay ka qabteen dhinaca wax soo saarka ayuu yiri Cali Calasow.
Beeraha fatahaadu soo gaartey ayaa waxa lagu beeray noocyada kala duwan ee khudaarta iyo saliida iyo masagada waxana ay ahayd inay soo goostaan bishan Ramadaan. Adeer waxaan khasaaraha Ku tilmaamo karnaa 1 milyan oo doolar ayuu yiraaheen iskaasgatada beeralayda gobolka.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS