Xukun ka yimi madaxda sare ee Sucuudga ayaa lagu amrey maxkamada dalka inay faraha ka qaadaan karbaashka ay dadka karbaashi jireen ama xukun karbaash ku ridi jireen dadka gala dambiyada kala duwan. Waxay hadda sheegeen in karbaashka room shaqo ku lahayn marja laga reebo sinada oo diinteena ku cad.
Waxase dhici jirtey in maxkamada dalkaasi dadka ku ridi jireen karbaash ay jeebka kala soo baxeen maadaama dambiga qofku galay ayna ku cadayn Quraanka ama sunnada. Waxa hadda la amrey in qofka xabsi lagu xukumo ama ganaax ama labadaba.
Talaabada daaqada looga saaray karbaashka ay jeebka kala soo baxeen xaakinada Sacuudiga ayagoo ku tumanaya xuquuqda qofka ayaa ka mida isbedelada uu qaaday gacan ku dhiigle Maxamed Salmaan oo dadka badankiisa ay soo dhaweeyeen.
” Waxay ka dhigan tahay in Sacuudiga dib ugu noqonayo diinta saxda ah oo hadda ay hadhan tahay inuu joojiyo lacagta uu siiyo wadaadada wahaabiga faafiya ee saaro cusub oo waaweyn ka dhisanaya wadamada faqiirka ah sida Somaliya.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS