Monday, May 20th, 2024
header










Meta







Kiiniya oo bilowday inay si hoose u hubeyso maleeshiyaad

Wararka laga helayo deegaanada xad beeneedka ee gobolada Gedo iyo Jubadda hoose ayaa sheegaya in goobahaas laga dareemayo dhaqdhaqaaqyo hubeysan oo ku hubeysan hub Kiiniya leedahay. Jabhadaha goobtaas lagu abuurayo ayaa ujeedadu tahay inay weeraraan gobolka Gedo iyo deegaanada Jubadda hoose ee ay joogaan ciidanka dawlada ee aan haysan hub wanaagsan.



Dawlada oo si dhow ula socota dhaqdhaqaaqa ciidanka Kiiniya iyo maleeshiyada ay wadato ayaa qoraal ka soo saaray arimtan sidan hoose u qornaa:

Dowladda Soomaaliya waxay si dhaw ula socotaa abaabulka militari ee ay Kiiniya maalmahan ka waddo aagga Madheera iyada oo hubeynaysa jabhad ay si sharci darro ah dalkeeda ugu martigelisay si xasillooni daro looga abuuro gudaha Soomaaliya.



Dowladda Soomaaliya waxay ogaatay in Ciidamada Kiiniya ay hub iyo maleeshiyaad ku soo daad-gureysay magaalada Madheera si duullaan loogu soo qaado magaalada Beled-Xaawo iyo saldhigyada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee aaggaas ku yaala.



Dowladda Soomaaliya waxay uga digeysaa Dowladda Kiiniya ficillada guracan ee ay ku wiiqayso nabadgalyada guud ee Gobolka Geeska Afrika, waxayna mar kale ku celinaysaa in ay Kiiniya ka fiirsato faragelinta qaawan ee ay ku hayso arrimaha gudaha Soomaaliya oo ay ka dhalan karto xasillooni daro saameyn ku yeelata amniga Gobolka.

Aaga Madheera ayaa dadka qaar bilaabeen inay ka barakacaan siiba xaafadaha u dhow xadka inkastoo aanay badneyn.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS



Readers Comments (0)




Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...