Friday, April 26th, 2024
header










Meta







Kirgistaan : Wadan dumarka tii la doono afduub lagu guursado: DAAWO

Kirgistaan waxay ka mid ahayd jamhuuriyadihii ka mid ahaa dalkii weynaa ee midowga Soofiyeeti. Waxayna xornimo qaadatey markii midowgii Soofiyeeti burburey sanadii 1991. Waxase jirey dhaqan foolxun oo ay lahaayeen kahor inteyna ka mid noqon midowgii Soofiyeeti kaas oo ah in haweenka suuqa laga afduubto kadibna la guursado.



Haddase dhaqankaas ayaa soo laba kacleeyay kadib markii uu burburey midowgii Soofiyeeti. Dhawaan ayaa waxa ka dhacay bartamaha magaalada caasimada afduub loo gaystey gabadh 27 jir ah oo iyadu diidey inay guursato ninka xooga ku afduubtey kadibna wuu diley.

Madaxweynaha cusub ee loo doortey dalkaasi ayaa eryay taliyeyaasha booliiska oo ka gaabiyay baaritaanka dilkan foosha xun. Booliiska ayaa wacay ninka lagu tuhmayay dilka wuxuuna u sheegay inuu rabay inuu guursado, kadibna wuuba xirtey telfoonka sidaana waa lagu waayay.



Maalin kadib waxa la helay meydka gabadhii iyo ninkii diley oo kuwada jira gaadhiga dilaaga. Dhacdadaa naxdinta leh kadib waxa dadweyne badan isugu soo baxeen magaalada ayagoo dalbanaya in la mamnuuco dhaqabkan foosha xun.

Kirgistaan inkastoo ay badankoodu Muslimiin yihiin haddana waxba kama oga diinta Islaamka, waxayna u haystaan dhaqan ahaan. Wuxuu ka mid yahay dalalka ugu faqiirsan wadamadii hore ee midowga Soofeeeti.

Hoos ka daawo afduubka gabadhaas loo gaystey

https://youtu.be/6YGY8lmFEv8



Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

Readers Comments (0)




Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...