November 19, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Kooxo aan tukan laakiin masaajida dadka ku ugaadhsada oo dil foolxun ka gaystey Muqdisho

Kooxo ku hubeysan Bistooladoo ayaa XALAY geystay fal dil ah oo fool xun kadib markii ay masaajid dhexdiis ku dileen nin ka mid ahaa dadkii salaada u tegay masjidka Ummah ee agagaarka Shineemada Puntland, degmada Heliwaa ee mgaalada Muqdisho.

Ninka la dilay ayaa lagu magacaabaa Sade Mahad Dirir, waxaana dhalay ganacsade caana oo lagu magacaabi jiray Mahad Dirir Guuleed oo guryo iyo xarumo ganacsi oo waaweyn ku lahaa degmada Heliwaa.

Dad goobjoogeyaal ahaa markii falka naxdinta leh dhacay ayaa sheegay in Marxuunka la dilay ee Sade Mahad Dirir uu ku dhex jiray masjidka, xilligaasina uu Akhrisanayay Kitaab Qur’aanka ah.

Dableyda dilka geysatay ayaa isla markiiba goobta ka baxsaday, waxaana marki dambe gaaray ciidamada degmada Heliwaa ee booliska.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS