Monday, May 20th, 2024
header










Meta







Kulankii ay ku baaqeen qaar ka tirsan salaadiinta gobolka Awdal oo aan dheg jalaq loo siin

Wararka ka soo baxaya magaalada Boorama ee caasimada gobolka AWdal ayaa sheegaya in aanay jirin haba yaraatee cid dheg jalaq u siisay kulan ay ku baaqeen qaar ka tirsan salaadiinta gobolka Awdal.

Salaadiinta ayaa usbuucii hore ku baaqay in xildhibanada labada gole kaga jira gobolada Awdal iyo Sala ay maanta oo Axada ka soo qaybgalaan kulan looga hadlayo arimaha gobolka.

Salaadiinta kulanka ku baaqay ayaa ah kuwa ugu cadcad ee ku xiran maamulka Siilaanyo oo la moodayay in taladu ka go’antahay oo la maqlo marka la eego sida ay saxaafada u horfadhiyaan

Xildhibaanada Awdal iyo Salal kaga jira labada gole ee maamulka Siilaanyo ayaa u shaqaysta si shaqsi ah waxana wararku nagu soo gaarayaan in aanay jirin mowqif mideysan oo ay noqotey in midkasta goonidiisa loola hadlo.

Qodobada la filayay in looga hadlo kulanka qaar ka tirsan salaadiinta ayaa ahaa oo ay ugu weyntahay arinta saamiqaybsiga iyo lixda goobood ee Lughaya ee beesha dhexe xidhatey.

Waxa iyana jirta in C/raxmaan Saylici aan loo sheegin kulanka oo isna la go’ay qaar ka tirsan xildhibaanada. Halka Maxamuud Xaashina la hadlay xertiisa.

Waxana soo baxaya in aan isku aragti laga ahayn arintan oo ay jiraan xildhibaano iyagu dantooda eegaya iyo kursiga ay hayaan. Waxana dhinaca kale jirta in aan salaadiintan shirka ku baaqay aan loo ictiraafsanayn in ay yihiin kuwa ay ka go’do talada Samaroon.

Wararka saaka aan raadinayn ayaa ah maxaa xiga iyadoo magaalada aan cidna imanin xabad xabad xildhiban oo hore u joogey mooyee. Wararka qaar ayaa sheegaya in halhal lola hadlayo oo la qabsan doono maalin laysku waafaqsan yahay.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

 

Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...