Wasiirka Amniga Xukuumadda Somaliya C/risaaq Cumar Maxamed, ayaa Magaalada Muqdisho kula kulmay Guddiga Suggida ammaanka Doorashooyinka ee dalka.
Guddigaan oo dhawaan uu soo magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Somaliya ayaa Guddoomiye waxaa u ah Taliyaha Booliska Somaliya Maxamed Sheekh Xasan Xaamud.
Kulanka ayaa looga hadlay sida ugu haboon ee laamaha ammaanka ay uga wada shaqeyn karaan suggida ammaanka goobaha Doorashooyinka iyo Xubnah Ergada Amnigooda.
C/risaaq Cumar Maxamed, ayaa sheegay Guddi Amniga Doorashooyinka ee Ra’iisul Wasaaraha dhawaan uu magacaabay in laga doonaayo sidoo kalena inay ka shaqeeyaan suggida ammaanka Xubnaha Musharaxiinta ah ee xil doonka ah si amniga uusan qal qal u galin.
“Muhiimada waxaa waaye, hadii aad ku guuleysataan in amniga la sugo mudada doorashada waan guuleysanaynaa, hadii aan ku guuleysan weyno amniga Doorashada waxa ay yeelanaysaa Dal daloolo oo in lagu guuleysto lagama yaabo, amniga yuusan noqonin kaliya goobaha in la suggo, guddiyada shaqeynaayo, ergooyinka iyo Musharaxiinta Xildhibaanada isku sharaxeysa in amnigooda laga shaqeeyo, intaasi oo dhan waa shaqada Guddigaan.” Ayuu yiri Wasiirka Amniga C/risaaq Cumar Maxamed.
Somaliya ayaa la filayaa labo bilood kadib inay ka dhacaan Doorashooyinka dalka, xilli ammaanka uusan aheyn mid cago badan ku taagan.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS