Monday, May 20th, 2024
header










Meta







Lix musharax oo beesha Hawiye ah oo arin u gudbiyay Qaramada Midoobey

Lix musharax oo ka soo jeeda beesha Hawiye ayaa cabasho u gudbiyay qaramada midoobey kadib shir jaraaid oo ay ku qabteen Muqdisho.

Lixdan Musharaxugu oo ugu cad cad beesha Hawiye ee xilka Madaxweynaha ayaa ka hor-yimid go’aanadii 24-kii bishan ka soo baxay Madasha Hoggaamiyeyaasha Qaran, kaasoo 18 xubnood loogu kordhiyay Aqalka Sare ee Baarlamaanka.

War saxaafadeed ay ku saxiixnaayeen Musharaxiinta Madaxweynaha sida C/raxmaan C/shakuur, C/qaadir Cosoble, Jibriil Ibraahim Cabdulle, Saciid C/llaahi Dani, Maxamuud Axmed Tarsan iyo Maxamed Cali Ameeriko ayaa waxay walaac ka muujiyeen go’aanadii Madasha ee hareer marsanaa dastuurka.

Musharaxiinta ayaa sheegay in dastuurka dalka uu dhigayo 54 xubnood oo Aqalka Sare ah, isla markaana aanay macquul aheyn in 72 xubnood laga dhigo, waxaana ay ka digeen cawaaqib xumada ka dhalan karta arrintan ee kordhinta Aqalka Sare.

Sidoo kale waxaa ay wax lala yaabo ku tilmaameen in 18 xubnood ay soo xulaan Madaxda maamul goboleedyada, kaddibna uu saxiixo Madaxweyne Xasan Sheekh oo xilligiisa dhamaaday, waxaana arrintan ku tilmaameen mid lagu boobayo doorashooyinka dalka.

Musharaxiintan ayaa ugu baaqay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey inay si deg deg ah u soo fara geliyaan, aysan ogolaan in go’aanada Madasha ay mugdi geliyaan Mustaqbalka iyo Masiirka Umadda Soomaaliyeed.

C/llaahgi Warmooge

ARAABINEWS

Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...