Monday, May 20th, 2024
header










Meta







Gabadha ugu da’da yar barlamaanka cusub oo waraysi bixisay

Xildhibaanada uGu da’da yar barlamaanka Somaliya e cusub ee musuqa badan ayaa waraysi siisay idaacad gudaha ah.

Ikraam Aadan Absuge ayaa sheegtay inay dareemeyso xilka adag culeyskiisa iyo kitaabka ay ku dhaaratay, iyadoo tilmaamtay inay wixii ay u dhaaratay ay dooneyso in dalka, dadka iyo diinta ku difaacdo, waxna ugu qabato.

“Waligey xil ma aanan qaban, waa markii u horeysay, waxaa ahaa Arday, waxaa ka baxay Jaamacad oo aan bartay Maamulka Ganacsiga, waa markii iigu horeysay oo aan Kitaabka Qur’aanka Kariimka ku dhaarto, waana mid culeyskeeda leh”ayay tiri Ikraam Absuge.

Ikraam Aadan Absuge oo ah qofka ugu da’da yar Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay in markii u horeysay ay tahay oo ay Xil qabato, isla markaana ku dhaarato Kitaabka Qur’aanka Kariimka

Mar la weydiiyay da’deeda waxaa ay sheegtay in 26 jir ay tahay, waxaa ay sheegtay inay dooneyso in dalka siyaasadeeda wax ku soo kordhiso, ka gabar ahaan, isla markaana is bedel iyo waxqabad la timaado.

Sidoo kale mar la weydiiyay hadii ay caqabad la kulantay markii ay dooneysay inay Xildhibaan noqoto ayay sheegtay in aanay wax caqabad ah la kulmin, ugaaskeeda iyo dadkeeda ay soo dhoweeyeen.

Barlamaanka cusub ayaa waxa ku jira dad siyaabo kala duwan u soo baxay.

Ikraam Aadan Absuge ayaa ka mid aheyd Xildhibaanada Baarlamaanka ee lagu doortay magaalada Cadaado ee Xarunta KMG Galmudug, waxaa shalay lagu dhawaaqay inay tahay gabadha qofka ugu da’da yar ay tahay Baarlamaanka.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

 

Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...