Friday, April 26th, 2024
header










Meta







Lubnaan oo gebi ahaanba koronto la’aana iyo waxa sababay

Wadanka Lubnaan oo ay ku noolyihiin 6 milyan oo qof ayaa gebi ahaanba bilaa koronto maanta oo Sabtiya kadib markii laba warshadood oo korontada laga dhaliyo ay istaageen shidaal la’aan. ”Waxa lagu jirayaa dhowr maalmood ayuu yiri masuul u hadlay dawlada.



Haddaba maxaa sababay in dal dalxiiska ku fiicnaa ay mashaqooyin is xig-xigaa qabsadaan.

”Dalka waxa qasaya Sacuudiga oo markuu doonana shidaal u keena markuu doonana waxba keenin ayuu yiri masuul qariyay magaciisa oo u hadlay dawlada. Waxa iyana dhinaca kale ku jira dawlada Marayanka oo dagaal kula jirta ururka Xisbullah oo hadda ah dawlada keliya ee shaqaynaysa Lubnaan,



”Waxaan isku dayaynaa inaan isticmaalo shidaalka ciidanka laakiin wax degdega maaha wuxuuna masuulkan u hadlay dawlada sheegay inayna jirin lacag lagu soo iibsado shidaal. Wuxuu kaloo sheegay in maraakiib shidaal waday ay diideen inay dekedda ku soo xirtaan haddii saliida lagu iibsan doolar cadaana.



Iiraan ayaa u sheegtay dawlada Lubnaan inay u dhisi karto laba warshadood oo korontada laga dhaliyo laguna dhisayo muddo laba bilood ah waxase welli aan codsigaa aan qaadan dawlada Lubnaan oo iyada lafteeda lagu dhisay rafaad.

Haddaba dadka caadiga ah maxay leeyihiin.

Dadka caadiga ah ayaa qaba in mushkilada ugu weyni ay tahay laaluushka iyo musuqa ka jira dawlada dhexdeeda taas oo ragaadisay hawl maalmeedka dalka.



”Marka dalku bilaa dawlad yahay muddo 1 sanno ah maxaad ka filan kartaa, marku dhashana aanu waarayn muddo kooban. Korontada la’aanta hadda oo ay keentay shidaal la’aan waa shay laga hortagi lahaa haddii ay jirto madax fikiraysa.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS



Readers Comments (0)




Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...