Monday, May 20th, 2024
header










Meta







Ma Sweden ayaa gardaran mise doolarka saliida Sucuudiga ayaa shaqaysay: talaabadii Xasan Sheekh

Dowladda soomaaliya waxay u dirtay Sweden warqad warsaxaafadeed ah oo lagu cambaareeyey dowladda Sweden laguna taageeray dowladda Sacuudiga. Warqada looma qorin luuqad diblomasiyadeed, waxayna ku qornayd Luuqad dagaal ama colaadeed oo aan loo dhisin xitaa nidaam naqdinta heerka caalamiga loo dhigo ka duwan.

Waxay runtii ka qaawanayd dhamaan habraaca luuqadda ay ku wada hadlaan diblomaasiyadda dunida. Hadaad aqriso xitaa umay qori lahayn dowladda Sacuudiga oo ah ciday Sweden is haystaan.

Qilaafka Swden iyo Sacuudigu inta badan waxyaabaha laga sheego inuu ku fadhiyo waxaa ka mid ah aqoonsiga dal dhisan oo ay FALASTIIN leedahay Sacuudiga iyo Masar iyo Yahuuduna isaga qaddiyan yihiin,.

Mana ogola dal Falastiin oo jira dhamantoodba haddaba dowladdeenu ma waxay ka soo horjeedaa QADIYADDA DADKA REER FALASTIIN oo waxay taageeraysaa Inaysan dowlada UN-ka aqoonsan yahay noqoto Falastiin, oo waxay la safan tahay YAHUUDDA, tani waa Arin waayaheena ku cusub oo aan horay loo arkin.

Sacuudigu waxaa aad loogu yaqaanaa inuu dhamaan waddamada ku Jira UN-ka ee aan xoolaha haysanin uu iibsado qaddiyaddooda uuna jeebka ku rito, wuxuu dhigaa meel cidla ah, ma ahan waddan diplomasiyad ahaan beryihii ugu dambeeyey fadhiya, waa dal doonaya inuu waxkastaba ku maquuniyo lacag.

Waxaan xusuustaa mar uu Russia doonayey inuu Laaluusho oo uu ka dhaxlay hanjabaad, waa dal ku shaqeysta Drug-dealer-nimada oo dhaqaalaha in badan oo ka mid ah ka hela Drug Trafficking, Maaha in lagu xamanayo, waa arin waadix ah. Caqliga ay ku shaqeeyaan waa oday weyn oo Maryo waaweyn xiran, noloshiisa la Tacaalaya. Jiilalka Sacuudiga Taariikhdoodu mid sharaf leh maysan ahayn, dhamaan waxkastoo dunida yaala dad shidaalku Garab mariyey weeye.

Toddobaatamaadkii Sacuudigu, Somalia berihii uu joogay Maxamed Siyaad Barre, ayuu isku dayey inuu Laaluusho, in badan wuxuu la daba joogay lacag fara badan iyo Tacaawinaad aad iyo aad u fara badan, ugu dambayntii Markii Russian-ku is diideen dowladdii Soomaaliyeed, ee Sacuudigii ay u tageen wax khayr badan kama soo dheefin.

Maanta waxaan dareemaynaa dowladdeenii in ikhtiyaarka laga qaaday, waxan dareemaynaa inay ku dhex jirto Mowjadaha is haysta ee dunidan, waxay isu muujinaysaa inay dhinac dunida ka mid ah raacsan tahay, waxay Gudbinaysaa fariimo halis ah oo aan u wanaagsanayn jiritaankeena dowladnimo.

Turkey oo ah waddanka Labaad ee ugu ciidanka badan Isbahaysiga NATO, wuxuu qaatay fekerka la yiraahdo Cidna wax Collaad ah ha u Muujin oo uu micnaheedu yahay Cadowgaaga la shaqeyso, collaad iyo Nabadba kula shaqeyso, waana fekerka jira oo dunida lagu dhaqmo waddamo badan.

Dagaalkii labaad ee dunida, Markuu Hitler Yurub ku Tuman jiray, 1941 Americanku shidaalka ay isticmaalayeen Gujis-yada Jarmalka badaha waaweyn isaga Goosha ayagaa siin jiray. Waxay ahaayeen 6 Markan nooca saliida qaada waxaana Darawal ka ahaan jiray Badmareen Jarmal ah, haddana dagaalkii Yurub Americanku waa ku Jiray.

Dunida qaabka loo fekerayo, maaha inaad warqad inta iska qorato, u dhiibto caddaad doonayso, kadibna taariikhaha la qorayo laguu raaciyo.

Shiinaysku iyo Hindiyanku heshiis waligood may noqon, dagaalo ayaa dhex maray, wali dhul ayaa arintiisu taagan tahay, hadana diblomaasiyadoodu waligood illaa heer si caam ah laysu dhaafsado ma joogto, waxaana layska illaaliyaa waa in aan cidna cadowtooyo kuu qaadin.

Inaad la colowdu dal ka mid ah dalal dunida ka jira waxay ku dhaxalsiisaa inaad saaxiibo badan ku weyso, waxay ku galisaa inaad ka go’naato duni badan oo aad u baahan tahay, waxayna kugu qasabtaa inaad la kulanto xanuuno badan, oo shucuubtaadu u saamaxayn inay ka faaiideystaan.

Dalka Masar ee aan walaalaha nahay, maanta uu gacanta ku hayo C/fataax Sisi waxaa ka horeyey Ninkii ka yimid qoladan Ikhwaanka ah, qaladaadka uu galay waxaa ka mid ahayd, markii la doortay inuu u dhaqaaqay Reer Bariga oo asaga iyo Ganacsatadii reer Masarba China u xarooday kadibna shirkii waddamada dhex dhexaadka ahaa soo Maray ee ka dhacay dalka Iiraan, wuxuuna u muuqanayey reer galbeedku in Masar ay u gacan Gashay reer Barigii oo ay isbahaysi la sameysay dhankaas.

Reer Galbeedka wadna xanuunka ku dhacay wuxuu noqday, in canalkuu Zuweys isu badalay Gacankii Reer Bariga, Cabsidii oo taagan, si loo maareeyana laga fekerayo, ayuu mar qura dhawaaqay. Dhawaaqaas ayaa Cirbad weyn oo ku Taagnayd Reer Galbeedka ka Fududeysay, wuxuuna yiri si fudud MADAXWEYNAHA SUURIYA HAYS CASILO kalimadaasina waxay daaha ka rogtay in Mursi uusan ahayn nin meel Fog jiray, wuxuuna noqday nin laga eegtay laba dhinaca, oo uusan ku joogi Karin Kursiga Xukuumadda dalka Masar.

Tan koowaad wuxuu ka mid ahaa qolo Diin laga urinayey oo laga baqdin qabay, iyo tan labaad oo ahayd inuusan lahayn garab culus oo markaa difaaci lahaa.

Dunida maanta waa BUUR ahoow ama BUUR ku Tiirsanoow, labadiina midna gacan kuma hayn, ugu dambayntiina isla kacdoonkii uu ku guuleystay ayaa asaguna dib loogu kiciyey waxayna ahayd jidkii uu ku yimid, ha lagu tuuro, micnahuna waa iska caddaa, wax hanaan ah oo lagu xaliyana waaba ka madoobayd, halkaas ayuu saaxadii uga baxay. Shalay waxaad ahayd manta maahid, waxaaad manta joogtana Berri noqon maysid, hadday aragtidaada dheeraan weyso mustaqbalkaagu waa madow yahay.

Sideedaba in dunida dowlad la mucaaradaa adigoon waxba ahayn iyo adigoo wax ahba, wax suurtoobayaa maaha, Madaxweyna Russia ayaa wuxuu Yimid dalka Masar, Meelkasta oo dalka masar ka tirsan waxaa lagu dhajiyey Madaxweynaha Russia sawirkiisa, haddana wax hanaan wanaagsan ah oo ka dhaxeeyaa ma jiraan, diblimaasiyaddoodu waa sida Saynta Ariga.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...