Monday, May 20th, 2024
header










Meta







Dadkii reer Woqooyigu ma waxay noqdeen dad xoolahooda lagu dalxiiso oo Maraykan iyo Ingiriis lagu tago: FAALADA USBUUCA

USA–Waxa daraad u baxay Maraykan madaxweyne ku xigeenka Siilaanyo C/raxmaan Saylici oo halka masaakiintu koobka shaaha ayna haysan isagu qaata 7000 oo doolar mishahar ahaan oo ay u dheertahay lacago kale oo aan xisaab lahayn..Waxa iyaguna Ingiriiska dalxiis u tagey koox wasiiro ah oo beesha dhexe ah oo been isugu sheegay gole deegaan ayaana ictiraafaya.

Waxaanse iswaydiiyay dadka reer Woqooyigu ma sidan ayaa loo bahdilaa oo xoolahooda maalinkasta loogu aadaa dalxiis iyo dhulbarasho. Socdaalada noocana waxa ka faaiideysta xubno farabadan oo gooni goosad ah oo iska dhiiba dalalkaas hadana sheegta in ay Koofurta Somaliya ka yimaadeen.

Lacagahan lagu dalxiisayo qaarna iska dhiibayaan dalalka ay booqdeen ayaa waxa u dheer iyagoo jaaliyadahaa laga been sheegayo ay iyagu ugu soo daraan lacago kale oo ay doorasho ku galaan taas oo ka dhigeysa in jaaliyadaha laftoodu dhiirigelinayaan in lagu soo noqdo.

Waxa taas kaaga sii daran inagoo wali qabiil ahaan daacad ugu ah midkeena soo dhoofa oo aan u kala horbadino. Taas waxa u sii dheer in marka ay soo noqdaan iyagoo soo nastay soona dalxiisey hadana aan cadceeda u taagnaano si aan u soo dhaweyno.

Dalxiiskaas iyo lacagahaas lagu soo raaxaystay waxa ka masuula inaga oo u ogolaanay inay bilaa xisaab cunaan lacagta laga gurey hooyada yaanyada la fadhida ama miskiinka kaariyoonaha riixaya.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...