Luuq–Kadib xasuuqii shalay argagixisada shabaab u gaysatay qoys shacaba oo ay dhamaantood xasuuqeen ayna xataa ku jirtay hooyo waayeela ayaa maamulka degmada Luuq qabqabtey ilaa 21 lagu tuhmayo in ay ka tirsan yihiin argagixisada shabaab. Waxaan ku haynaa saldhiga waxana ku socda baaritaan ayuu yiri gudoomiyaha Luuq.
Taliyaha Ciidanka Booliska ee Degmada Luuq Siyaad C/qaadir Maxamed ayaa sheegay in hawlgalka raggaasi lagu soo qab qabtay uu yimid markii ay soo baxeen warar sheegaya in xubno argagixisada Shabaab ka tirsan ay gudaha u soo galeen Degmadaasi.
Dhanka kale Taliyaha oo la hadlaayay Warbaahinta gudaha ayaa si xoogan u cambaareeyay lix ruux oo hal qoys ka soo wada jeeda oo argagixisadu Shabaab ku dileen deegaanka Abaqley oo 15km u jirta Degmada Luuq.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay