Friday, January 24th, 2020
header

Siyaasad eber keentay dhibcaha Dimuqraadiyada iyo Ictiraafka” Muuse Faashil

Dhismaha qaran si sahal ah laguma yagleeli karo, waxa uu u baahanyahay falsafad sharci iyo mid siyaasadeed (Legal & Political Philosophy) oo ka jawaab bixinaysa laba su’aalood oo kala ah, ma rabnaa inaan noqono bulsho siyaasadeed?



(Shirkii burco) Dowladnimo noocee ah ayaan u baahanahay?( Shirkii boorama). halkaas uun kuma joogsadee waa la qiimeeyaa horumarkiisa siyaasadeed iyada oo la raacayo halbeegyo mucayina oo ay ka mid yihiin (midnimada shacabka,



dheelitirnaanta awooda iyo khayraadka iyo saamaynta uu ku yeeshay guddaha, gobbolka iyo geyigaba) Heshiiskii midnimida Somaliland iyo Somalia (Act of Union 1960) waxa uu il-duufay fursadii ay labadii bulsho ee ku kala noolaa waqooyi iyo koonfur ku noqon lahaayeen bulsho siyaasadeed oo baahiwadaaga,taa badalkeeda waxa noqday heshiis ka dhexeeya laba gobbol oo waqooyiga ah oo dhinac ah iyo lix gobbol oo koonfurta soomaliya ah oo dhinaca kale ah, sidaas ayaana saami qaybsigii golaha shacabka soomaaliyeed lagu fadhiisiyay. Sidoo kale dastuurkii lixdankii waxa uu badka soo dhigay



nidaam siyaasadeed oo dawlad kali ah (Unitary State), nidaamkaas oo ku koobay khayraadkii qaranka magaalo kaliya (Mugdisho) meeshana ka tuuray dheeli-tirnaantii awooda iyo talada dalka, waxa intaa raacay in la isla qaatay nidaam doorasho oo cod dheeri ah (proportional electorate) oo majara-habaabiyay is waafajitii haydaha bulshada (social institutions) iyo xuquuqda muwaadniniinta ee dhigaysa in qof kastaa xaq u leeyay in la doorto qof kalena dooran karo.Bal maanta fiiri qaranimada Somaliland ee ka dhalatay cadaalad daradii koonfurta soomaaliya, shirkii burco ee



beelaha Somaliland ku heshiiyeen in ay noqdaan bulsho siyaasadeed oo ay isku keentay baahi cadaaladeed waxa badalay, xal siyaasadeed oo Somaliland ka dhigay lixdii degmo ee gumaysiga oo loo badalay gobbolo, waxaa shirkii boorama lagu soo dhisay nidaam siyaasadeed oo dowlad kali ah, oo tahli kari waayay dheelitirka awooda iyo khayraadka, waxa kale oo la yagleelay nidaam doorasho oo cod dheeri ah oo abuuray sa’iilad siyaasadeed.

 

Su’aasha maskaxdaada ku soo dhacaysaa waan fahmi karaa! Hogaamiye cigaal waxan ka guntay hadal uu ku jiray duurxul siyaasadeed oo ahaa (Lixdankii waxaa idin qaaday jibo, isla jibadii ayaa idin soo celisay, jibana meel ma gaadho) hogaamiyihu waxa uu ka hadlay siyaasad, nidaam siyaasadeed iyo horumar siyaasadeed. Anigu odhan maayo jibo siyaasadeed, laakiin waa afduub inta badan ku dhaca dhismaha qaranimada wadamada nidaam qabiliga ama shucuubta ku dhisan, Waxa jira laba arimood oo lagu garto marka



dhismaha qaranku Uu gacanta uu galo injineero siyaasadeed oo dano gaar ah ama dano reernimo ku jirto, tan kowaad ayaa ah in ay dhismaha nidaamka siyaasadeed ku fadhiisiyaan baahida reerkooda (in the eyes of constituency) reerku ama beeshuna waxay ku ayidaan ama ku lidiyaan qaranimada mansabyada iyo jagooyinka ka muuqda dowldada (in the eyes of beholder), Hadal qaadka Soomaliya burco iyo hargaysa waa u dacar iyo dhunkaal lakiin Somaliland waa u malab, dadka inta soo hadhayna waxa ay tahay uun Muqdisho lagu badalay Hargaysa. Arinta labaad ee lagu garto siyaasada ay ku jirto dano



gaari ahi waxay ay tahay fal-celinta tabashooyinka beelaha oo ah mid ku dhisan siyaasad kala-qaybin iyo iska-horkeena, hebel wasiir ka dhig, degmo heblaayo , degmo heblaayo ka ag yagleel, adigu hebel u jawaab, Weber kuwaas ka horkeen, Khaatumo Awr-boogays ka daba dhis. Soomalidu waxay ku dhisantahay nidaam qabiliya, sooyalka ayay ku dhigantahay soomaalida dhexdeeda marka qaran iyo qabiil is qabtaan waxa hubaal ah in meesha uu ka baxo qaranku. Hadiiba dhismihii qaranimada soomaaliyeed ee lixdankii iyo dhismihii qaranimada soomalilaan ee burco iyo boorama aanay cidi caaradeed ku kala duwanayn, maxaa diidaya in horumarkooda siyaasadeedna hal dariiq oo kaliya wada maro. N.B “Siyaasad eber keentay dhibcaha ictiraafka”.

W/Q Mukhtar Ali Yaabe Email:- yaabe99@hotmail.com

ARAABINEWS

Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Cudurka naqas ku dhega ee Shiinaha ka dilaacay oo la ogaaday halkuu ka yimi

January, 23, 2020
Waxa aduunku aad uga qaylinayaa cudur cusub oo ...

Ilhaan Xarago iyo Roomiyo oo ka waramay filimka cusub ee 2020

January, 23, 2020
Roomiya adigaa shirqooley Ilhaan Xarago oo gaadhiga jiirsiiyay ...

Danjire runta sheegay oo lagu qasbey inuu is casilo

January, 22, 2020
Danjire Guulwade oo ka mida guddiga maamulka Somalilaan ...

Xildhibaan Shaacir oo baaq u direy culimada Ahlu sunna

January, 22, 2020
Xilli muran cusub ka furmey doorashada maamulka lagu ...

Argagixisada oo laga qabtey fanaan u shaqayn jirey lacagna u keeni jirey

January, 22, 2020
Hay'adda nabadsugidda ayaa soo bandhigtey fanaan ka tirsanaa ...

Dhacdooyinka

Muuse Biixi (handaraab) oo magac cusub loo bixiyay kadib wacad furkii

January, 14, 2020
Kadib wacad furkii Muuse Biixi (Handaraab) uu ka ...

Ayax ku habsaday diyaarad Itoobiya leedahay oo ka soo duushey Jabuuti: SAWIRO

January, 13, 2020
Diyaarad ay Itobiya leedahay ka soo duushey oo ...

Kaftanka siyaasada iyo xiriirka ka dhexeeya Axmed Madoobe iyo argagixisada

January, 13, 2020
Waa barnaamij xiise leh oo aalaaba lagu lafoguro ...

Madaxweynaha Ruushka oo markale Dayib Erduqaan ka badbaadiyay siyaasad qalafsan

January, 13, 2020
Laba usbuuc kahor ayay ahayd markii Dayib Erduqaan ...

Ciidanka xooga oo ka warbixiyay la wareegida deegaan argagixisadu dadka ku qali jireen

January, 13, 2020
Maanta subaxdi hore ayay ahayd markii ciidanka xoogacdalka ...

Barnaamij soo faqaya taariikhdii la qariyay ee Samaroonka Jabuuti

January, 12, 2020
Waa barnaamij soo faqaya taariikhda dhabta ah ee ...

Butlaan oo shaacisay xilliga Caasha Ilyaas cadaalad heli doonto

January, 12, 2020
Maamulka Butlaan ee horjooge Siciid Deni ayaa ugu ...