Sunday, May 19th, 2024
header










Meta







Macalinkii Farmaajo oo xagjir noqdey dagaalna ku baaqay iyo heerka qabyaalada

Macalinkii Farmaajo ayaa xagjir noqdey dagaalna ku baaqay. Muxyadiin Xasan Darbo oo soo noqday Guddoomiyihii hore ee Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed ayaa sheegay in beeshiisa Galmaax Yoonis (Hawiye) aysan xataa hal wasiir ku yeelan xukumada Soomaaliya taasna ay tahay mid uu aad uga careysan yahay.



Waxaa uu sheegay inuu la yaaban yahay in madaxweyne Farmaajo uusan xataa macalinkiisii ku qancin beeshiisa iney xil ka hesho dowladiisa, maadaama Cali Maxamed Geedi uu macalinkisii Saalim Caliyoow Ibroow ka dhigay wasiir si uu uga duceysto.

“Ma taqaanaan Sababta uu Cali maxamed Geedi u noqday Ra’isulwasaarihii ugu waqtiga dheeraa? Wuxuu ku noqday macalinkiisa Saalim Caliyow Ibroow ayuu ka duceystay, isagoo ka dhigtay wasiirka Maaliyadda, aniga maanta Farmaajo wasiir iga dhig ma dhihine, balse haddii uu beesheeda wax ka dhigi waayo, xukunkiisa meel ma tagayo”ayuu yiri Muxyadiin



“ Xukunkiisa meel ma tagayo, sababtoo ah macalinkaaga aan ahay wax yar maahan, beeshaan xoogga badan waa inuu wax ka dhigaa, weli waxaa nagu jiro dowladda Jaceyl, balse haddii dowlad jaceylka saan kusii socoto la islama daganaan doono, waxaana u digayaa baarlamaanka Soomaaliya” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Dhanka kale Darba weyne ayaa isagoo la hadlayay boqolaal beeshiisa ah sheegay ineysan ka beel ahaan bixin doonin wax canshuuraad ah ayna diyaar u yihiin iney dagaalamaan hadii xaqooda la siin waayo

“waxaan dagnaa 17 degmo, hadii dagaal loo baahdana waxaa nahay kuwa ugu geesisan, waana dagaalameynaa”ayuu yiri macalinkii Farmaajo.

Beeshan iyo beelo kale ayaa ka cabanaya saami qeybsiga dowlada Soomaaliya iyagoo sheegaya ineysan helin xaquuqihii ay ubaahnaayeen.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...