November 18, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Madaxweyne 70 jirsaday oo la siiyay hadyad culus

Madaxweyne hogaamiya dawlad xoogan ayaa ka gudoomay madaxweyne kale oo saaxiibkii ah hadyad aad u culus dhalashasdiisa oo maanta ku beegan. Madaxweyne Faladhimiir ayaa 70 jirsaday maanta waxana marti u ah madaxda midowgii Soofeeti.

Madaxweynaha Belaruush ayaa madaxweybe Faladhimieer Buutin u keenay hadyad aad u culus oo ah cagayada waaweyn ee afar lugaleyda ee lagu sameeyo dalkaasi Belaruush. Cagaftaan oo dalkaasi aad caan ugu yahay.

Cagaftan oo aad u culus ayaa ah cagayada ugu casrisan ee lagu qoto beeraha iyo weliba dhulka aad u adag si looga dhigo beero la qodan karo. Madaxweyne buutin ayaa ku farxay hadydan.

Sawirka hoose waa cagafta lagu wareejay

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS