Monday, May 20th, 2024
header










Meta







Madaxweyne Farmaajo oo culimada ku canaantey inay doorkoodii gabeen

Madaxweyne Farmaajo oo culimada ka timi dalkoo dhan kula hadlayay Muqdisho ayaa ku canaantey kaalintooda ay gabeen la dagaalanka kooxda gaalaynta Muslimiinta ee shabaab oo daadiyay dhiiga muslimiin badan oo Soomaali ah ayadoo aan la qiyaasi karin hantida ay burburiyeen.



Waxa  xaqiiq ah in meesha uu ka maqan yahay doorka culimada yar ee nadiifta ah ee ka hadli kara oo dhalinyarada tusi kara in kuwii hire dhiiga u daadiyay ay qarsaareen oo diinta meelna kaga qorneyn ina xalaashado dhiiga qof Muslim ah.

“Waxaynu u baahan nahay in dhalintaas beenta loogu sheegay in janno lagu galo dhiiga Muslimiinta ee lagu yiri Muslimiinta ayaa la gaaleeyaa in aan ka badbaadino wadada naarta ah ee ay ku socdaan, waxana maqan doorkiinii ayuu yiri Farmaajo.



“Waa loo jeedaa in ayna waxba faaiidin inay Muslimiin xalaashadaan dhiigooda mooyee, waana ogtihiin in lagu adeeganayo ayuu raaciyay madaxweyne Farmaajo.

Su’aasha dad badan is weydiinayaan ayaa ah koox laga guulaystey oo burbur ku dhow waqti ma lagu lumin karaa kuwii dhiigeena daadiyay in afka loo furo  waxaanad is weydiin kartaa halka looga bilaabayo ayuu yiri Xuseen Calasow.



Si kastaba ha ahaatee hadalka madaxweynaha u jeediyay kooxda culimada ah ayaa ku dhacaya dhego cidka ah maadaama iyaga laftooda hore loo gaaleeyay, qaarkoodna marmar qaarkood ku hadlaan hadalo u dhow kuwa argagicisada

Sida kaliya ee looga guulaysan karo dhiigmiirato khawaariija waa in aan la tusin naxariis waayo markasta waxay kuu arkaan qof diin ka baxay hadaad tiraa war muslimiinta dilka ka daaya ayuu raaciyay.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS



Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...