01/01/2026

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Madaxweyne Farmaajo oo la kulmey sheekha caanka ah ee Sh C/rashiid Sh Cali Suufi

Madaxweyne Farmaajo ayaa la kulmey sheekha caanka ah ee Sh C/rashiid Sh Cali Suufi ee hadda si caadiya u degan Qadar kadib markii laga qixiyay masjidkii uu imaamka ka ahaa ee Muqdisho.

Culumada Soomaaliyeed waxay kaalin muuqata ka geysan karaan dadaalka aan ugu jirno dib u yagleelidda dowladnimada curdanka ah ee Soomaaliya.



Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ahmiyad gaar ah siin doontaa culumada. Waxaan dhageysan doonnaa talooyinkooda iyo toosintooda, mid walbana fadhigiisa ayaan ugu tagi doonnaa Insha Allaah.
Dardaarankii iyo ducadii sheekh Cabdirashiid Sheekh Cali Suufi uu caawo siiyay aniga iyo wafdiga ila socdo Eebe hanagu anfaco, dalkana ha inooga dhigo meel nabdoon oo barwaaqo ah. Aamiin.



C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS