Saturday, April 20th, 2024
header










Meta







Maraykanka oo si adag u beeniyay inuu weerarayo Iiraan bisha soo socota

Maraykanka ayaa si adag u beeniyay inuu weerarayo Iiraan bisha soo socota. Warbixin ay diyaarisay warbaahinta Ustaraaliya ayaa lagu sheegay in Maraykanku diyaariyay weerarkii uu ku qaadi lahaa Iiraan gaar ahaan warshadaha Nukliyeerka.



Warbixintan ayaa lagu sheegay in Ustaraaliya ay dagaalka kaga qayb qaadan doonto dhinaca sirdoonka iyo inay soo hesho goobaha Maraykanku duqeynayo inkastoo Maraykanku u baahneyn warbixin sidaasa oo isku filan yahay.

Waxay kaloo taabteen in Ingiriiskuna isna sidaasoo kale keeni doono goobaha la weerarayo halka Kanada iyo New Siiland ayna ka qayb qaadan doonin. Warbixintan ayaa imaanaysa ayadoo mudawakh Trump ay hadalo kulul is dhaafsadeen madaxda Iiraan.

Wasiirka difaaca Maraykanka ayaa si adag u beeniyay warbixintaas kuna tilmaamay mala awaal aan dhacayn. Madaxda Iiraan ayaa iyaguna sheegay in Maraykanku waxkasta ku waayi doono hadduu Iiraan soo weeraro.



Maraykanka ayaa hore uga fikirey inay weeraraan Iiraan waxayse go’aamiyeen inayna faaiido ka gaarayn. Iiraan ayaa Ruushka ka soo iibsatey gantaalo casri ah oo waxba kama jiraan ka dhigaya in Iiran cirka ka weeraraan maadama ayna awoodeyn inay dhul soo maraan.

Iiraan ayaa ah dawlad adag oo aan dagaal toosa waxba looga qaadi karin. Yuhuuda oo saadaalinaysay inay Iiraan weerarto ayaa ku dhici weyday markii Maraykanku kula taliyay inayna taageeri doonin ayna guulna ka gaareyn.



Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS



Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...