Saturday, April 20th, 2024
header










Meta







Booqashada madaxweyne Farmaajo ku tagayo Eritariya maxaa ugu jira Somaliya

Madaxweyne Farmaajo ayaa la filayaa inuu maanta ka dego caasimada Eritariya ee Asmara. Waxa casuumad u fidiyay Madaxweynaha Eritariya ee Afwerki.

Hadaba waxa dadku isweydiinayaan waxa Somaliya ugu jirta booqashadan xilli uu fiicnaadey xiriirka u dhexeeya Itoobiya iyo Eritariya oo colaadoodu ku salaysneyd mid u dhaxaysa Tigreegii Sanaawi dadkiisa iyo Afwerki oo deegaan ahaan Itoobiya wada dega isku luqadna ah inkastoo ay kala qabiil yihiin.



Booqashadii raiisal wasaaraha Itoobiya ku furfurey Eritariya xiriirkana ku soo celiyay inkastoo ay Imaaraadka iyo Sucuudigu sheegteen inay iyagu qayb weyn ku lahaayeen, waxay ahayd mid dan ugu jirta Itoobiya iyo Eritariya labadaba qaasatan si weyn ugu ah Eritariya oo iyadu haysata badda Itoobiya u baahan tahay.

Waxayna dibedda u soo saartey Eritariya oo go’doon siyaasadeed uu geliyay Sanaawi. Booqashada madaxweyne Farmaajo ku tagayo Eritariya waxay fursad kale u tahay Eritartiya oo aduunka u sheegaysa in ay dhamaatey colaadii iyo siyaasadii geeska oo markii horeba ay aabaha u ahayd Itoobiya iyo nidaamkii Sanaawi.



Wuxuuna madaxweynaha Eritariya tusayaa caalamka in Eritariya u furan tahay caalamka ayna jiri doonin in lagu eedeeyo in ay taageeran argagixisada Shabaab ee xasuuqey muslimiin badan oo Somali ah.

Waana halka ay ka duuleyso weyna dhici kartaa in casuumadaan ay lug ku leeyihiin Sucuudiga iyo Imaaraadka.

Inkastoo Eritariya ay fadhiyeen siyaasiyiin Somali ah oo diidanaa soo gelitaankii Itoobiya Somaliya sanadii 2006, hadana ma jirin colaad toosa oo u dhaxaysay Somalida iyo Eritariya aan ka ahayn colaada iyaga iyo Jabuuti u dhaxaysa.

Dawlada Somaliya guud ahaan ma jirto wax faaiido ah oo booqashadan Farmaajo ku tagayo Eritariya ka soo galaysa aan ka ahayn Itoobiyaa kula heshiisay anaguna aan kula heshiino.



Dhinaca dhaqaalaha ma jirto ganacsi toosa oo dhexmara Eritariya iyo Somaliya inkastoo Imaaraadku u istcmaalayo Eritariya inuu ku fushado danihiisa Wahaabiyeed ee uu ka wado Yaman, kuna cunaqabateeyo ganacsiga dadka iyo dawlada Jabuuti.

Somaliya ayaa isku filan haddii ay hesho dawlad xoogan oo meesha laga saaro maamul jufeedyadan dulinka ku ah dhaqaalaha dalka iyo dadka iyo ciribtirida argagixisada gaalaysa Muslimiinta.



Faaladii C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS



Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...