Tuesday, April 23rd, 2024
header










Meta







Maraykanka oo u yeeray horjooge Muuse Biixi waa maxay danta uu wataa?

Horjooge Muuse Biixi oo la filaayo in si xun loogu garaaco doorashada aakhirka sanadkan ayaa isku dayaaya sidii uu maamulka ku sii dheeraysan lahaa, waxase xisbiga Wadani iyo kan Faysal Waraabe oo intuba isku hal jufo ah qabaan inay dagaal ka xigaan.



Haddaba waxaad is weydiin kartaa waxa hadda keenay in Maraykanku u yeedho horjooge Muuse Biixi oo haba yaraatee aan wax taageere ka haysan qabiilka ISAAQA ee uu ku abtirsado ayadoo ay burburtey sheekadii goosadka.

”ISAAQA badankiisa hadda ma danaynayaan sheekada goosadka waxayna burburtey markii horjoogahan maamulka loo dhiibay, waxa inta badan ISAAQU hadda u ololeeyaa bal in XAMAR laga dhiso hanaan dawladnimo oo dadka wada deeqa ayuu yidhi Xuseen Warsame.



Waxase booskaa banaan ee loogu magacdari jirey aqoonsi raadsiga hadda buuxinaya Maraykanka oo baryihii dambe iyo dhawaanba koox xildhibaano ah u soo direy Hargeysa, ayadoo ujeedada ay ka leeyihiin ay tahay inaan qas ka dhicin Hargeysa iyo Burco.



”Danta hadda ay leeyihiin Maraykanku ayaa ah inay ka baqayaan in madaxweyne Farmaajo soo noqdo tana waxay wax weyn u dhimaysaa danahooda weyn ee geeska Afrika ayuu raaciyay Xuseen Warsame. Waxa ugu weyn waa in Shiinaha laga celiyo Somaliya guud ahaan iyo in Somaliya xiriir la yeelato Ruushka ayna yarayso xiriirka ay la leedahay Turkiga.



Mar haddii labadaa suurogal ahayn waxay xoojiyeen inay boodhka ka jaftaan maamulka Hargeysa oo ay gelinayaan dhaqaale xoogan oo deegaanada magaca wada wata ayna helin.




Tani ictiraaf ma siinaysaa marhore laga niyad jabay Hargeysa iyo Burco jawaabtu waa maya laakiin waa i arka halkan anaa ka taliya, waana waxa uu Taywaan inoogu keenay ayuu yidhi Xirsi Warfa.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS



Readers Comments (0)




Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...