Monday, May 20th, 2024
header










Meta







Maxaad ka ogtahay maanta oo kale dagaal Muslimiintu ku jabiyeen xulafo reer galbeeda sanadii 1915

Maanta oo kale 1915 waxay ahayd maalin qaali ku ah taariikhda Muslimka iyo xukunkii Cusmaaniyiinta ee caasimadiisu ahayd Istambuul. Waxa bilaabmey dagaalkii koowaad ee dunida waxana isa soo bahaystay xulafo aan awood sidaasa lahayn laakiin haya tamar iyo dhaqaale ay ku dagaalamaan. Waxayna weerar ku rabeen inay ku qabsadaan caasimadii Muslimka looga talinayay oo xilligaa loo yaqaanay Konistantinopal haddana loo yaqaan Istambuul.

Ciidankan xulafada ah oo ka yimi wadamada afka Ingiriiska ku hadla sida Ingiriiska, Austareeliya,iyo  New Zealand, Faransiiska, iyo ciidamo laga keenay wadamadii Ingiriisku haystay sida Hindiya ayaa weerar ujeedadiisu tahay in lagu qabsado caasimada Cusmaaniyiinta ee Istambuul sidaana Cusmaaniyiinta looga jaro taageeradii ay siinayeen Jarmalka.

Dagaalkan ayaa waxa ay xulafadu keentay askar gaadhaysa ilaa 700,00 oo kun iyadoo xilligaa aanay jirin casriga hadda oo lagu kala badin jiray tirada askarta ayaa waxay weerar dhinaca badda kaga soo qaadeen  galbeedka Turkiga hadda meesha loo yaqaan Galipoli.

Waxase jilbaha laabtey ciidankii Cusmaaniyiinta oo uu hogaamiye u ahaa aasaasaha jamhuuriyada Turkiga ee hadda jirta jeneraal Mustafe Ataturki. Ciidanka Cusmaaniyiinta ayaa iyagu fuushanaa buuraha badda eegaya waxayna hoos u tooganayeen ciidanka xulafada.

Waxay aad u laayeen ciidankii xulafada waxana taasi u sii dheeraatay in maydka xulafada ee diqsigu cuno uu haddana fuulayay cuntada ay cunayaan taasina ay ku keentay ciidankii xulafada shuban aad u badan. Waxa xulafada looga dilay dagaalkan in ka badan 70,000 oo askari waxayna gurteen maydka.

Dagaalka ayaa socday ilaa sideed bilood waxayna guuldaro foolxumo ah ay gaartey ciidankii xulafada iyo jab xoogleh waxayna bilaabeen in meesha ka caraabaan.

Dagaalka kadib waxa dhashay Jamhuuriyada Turkiga oo u hogaamiye u noqdey jeneraal Mustafe Ataturki waxana halkaas ku joogsaday xukunkii islaamka ee Cusmaaniyiinta taasna waxa ka faaiideystay xulafadii oo hadda kala qoqob ku qaaday dalalkii ku jiray xukunkii Cusmaaniyiinta iyagoo ka bilaabey Sacuudiga.

Waxa maaanta looga dabaaldegayaa Turkiga guushaas weyn waxase iyana burburtey xukunkii balaadhnaa ee islaamka oo qayb ahaan lagu eedeeyo Mustafe Ataturki iyadoo dhinaca kale aanu jirin xukun xoogan oo Cusmaaniyiintu lahaayeen oo ay jireen kala daadsanaan taasina lagu taageerayo ficilkii Mustafe Ataturki.

WP_20150424_004[1]WP_20150424_003[1]

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...