Monday, May 20th, 2024
header










Meta







Maxaan ka ognahay sida loo qaybiyay aqalka sare ee barlamaanka Somaliya yaase dulman

Sidaan ognahay waxa Jira go’aan uu qaatey Xasan Sheekh iyo hay’ada qaramada midoobey ee xukunta Koofurta Somaliya waxana la isku raacay in 4.5 wax lagu qaybsado iyadoo qabiilada Hawiye, Koofur galbeed iyo Isaaq ay yihiin kuwa waxa ugu weyn kuhelaya nidaamka 4.5 hadaba maxaa lagu xadgudbey.

Haddaa si taxadir leh u akhriso go’aamada madasha wada tashiga waxaad kuu soo baxay in 3 xad gudub dastuuri ah uu jiro oo ka dhigayo heshiiska qaarkii mid waxkama jiraan ah.

1. Tusaale ahaan Dastuurka (KMG) Qodobka 72aad wuxuu qeexayaa:.” Tirada Xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka waxaa si toos ah, qarsoodi ah oo madaxbannaan u dooranaya shacabka Dawladaha xubnaha ka ah Dawladda Federaalka”. Laakiin go’aanada madasha waxay tilmaamayaan in dowlad goboleedyada ay soo xulayaan xubnaha aqalka sare meesha ay shacabka goboladaasi ay soo dooran lahaayeen xubnaha aqalka sare.

2. Dastuurka (KMG) Qodobka 72aad wuxuu kaloo qeexayaa: “tiradoodana waa ugu badnaan 54 Xildhibaan oo ka imaanaya 18kii gobol ee Soomaaliya lahayd ka hor 1991kii, 18 gobol waxaa ka mid ah gobolka Banaadir. Waxaa sharci daro ah in la wada qeybiyey 54 xubnood iyadoon waxba loo qoondeynin Gobolka Banaadir oo ah gobolka ugu shacab badan Soomaaliya.

Gobolka waxaa ku nool tirada ugu badan ee shacab Soomaaliyeed ee magaalo ku nool sidee ku dhacday in laga qadiyo aqalka sare? Waxaa lagu qiyaasaa ugu yaraan 3 million inay ku nool yihiin gobolka Banaadir. Waa 1/3 oo shacab Soomaali ah oo xuquuqdooda dastuuriga laga qaaday.

3. Qadobka 72aad ee Dastuurka (KMG) xarafka (b) wuxuu kaloo qeexayaa: ” in tarad aqalka sare saldhig looga dhigayo:(b) Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka waxay Aqalka Sare ku yeelanayaan xubno tiro isle’eg ah. Waxaan halkan ka muuqda sharci daro kale oo dastuuri ah. Waayo 54 xubnood looma qeybin si siman.

Haddii laga fiiriyo 18 gobol waxay aheyd in gobol weliba uu helo 3 xubnood. Taasi ma dhici.

Haddiise loo fiiriyo dowlad goboleedyada jira iyo kuwa la filaya ( Hiiraan-Sh. Dhexe iyo Banaadir) oo Somali Land ku jirto markaasi waxay noqonayaan 7 gobol oo mid welib helaya 7 xubnoon si siman loo qeybiyey oo waxaa soo haraya 5 xubnood oo labada aqal ay go’aan ka gaari doonaan wixii laga sameyn lahaa.

Haddiise lagu daayo sida hadda loo qeybiyey (oo gobolka Banaadir uu ka maqan yahay) iyadana waa sharci daro ah waayo looma wada sinna sida dastuurka ku qoran. Gobolada Soomaali Land iyo Buntland waxaa la siiyey min 3 xubnood oo dheeraad halka gobolada kale laga siiyey min 6 xubnood.

Waxaa kaloo qasan is dhexgelinta lays dhexgeliyey howlaha aqalka sare iyo kuwa aqalka hoose oo la garaneynin baahida keentay in baarlamaanka Soomaaliyeed loo kala qeybiyo iyadoo la tixgelin dhaqaalaha iyo logistikada marka la maareynayo laba aqal ee baarlamaan.

Sharciyaqaan Sh. Xasan Jaamici, J.D.

ARAABINEWS

Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...