Saturday, July 27th, 2024
header










Meta







Miiska wada hadalka Siilaanyo ma dhamaado. Si loo af gartana la garan maayo: MAQAAL

 

DUGSIIYE[1]Salaanta guud wixii ka dambeeya, akhristaha qaaliga ahow waxaad ogsoontahay iney toban sanno ka badantahay tan iyo markii qowmiyada Gadabuursi oo ku qoran mulkiyada Somaliland ay bilowdey iney shaaca ka qaado cadaalad darida ay ku qabaan Somaliland iyo dowladeeda.

Dowlada Siilaanyo waxay hadal heys u leedahay ; “Miiska wada-xaajoodka hala soo fadhiisto hadii cabasho la qabo…” Reer Awdal toban jeer in ka badan ayay miiskaa fadhiisteen. Hadana wakhti walba marka cadaalad darada Siilaanyo la hadal qaadaba jawaabtu waa miiska soo fadhiista.

Miiskan baas ee wakhti walba soo fadhiista la leeyahay halkuu jiraa. Miisku miyuuna aheyn kii Awdal State la fadhiisatey Somaliland madaxdeeda. Miisku miyuuna aheyn kii Salaadiinta iyo cuqaaasha reer Awdal la fadhiisteen Siilaanyo laftiisa. Ilaa maantadaa Siilaanyo iyo dowladiisa ayaa la sugayaa. Hadana maanta maxaa keeney inuu kolba nin muraayad madow soo xidho oo uu yidhaa reer Awdalow miiska soo fadhiista hadii aad cabasho qabtaan. Waa yaabe side loo af gartaa Siilaanyo iyo xertiisa.

Inta aanan sii gudbin akhristow laba arimood macnahooga aan kala saaro oo inta badan la isku qaldo laguna khiyaameeyo qowmiyadaha reer Awdal markey noqoto lahaanshaha Somaliland iyo mulkiyadeeda. Dowlada ayaa diida xaqdarada la dareemo in lagu tilmaamo cadaalad daro oo dadka ku qasabta iney ku tilmaamaan TABASHO amma CABASHO wax laga leeyayahy.

Tabasho ama cabasho aad wax ka dareento wey ka duwan tahay cadaalad daro aad wax ka tirsato. Marka wax lagu siiyo ha noqoto hadyad ahaan ama si ka labee eed saluugto ayaad cabasho ka muujin kartaa ood yaraanteedana tabasho ka yeelan kartaa.

Dhanka kale wixii wax aad ku leedahay hadii aad ka qatan tahay cadaalad daro kugu dhacdey ayaad ku tilmaami kartaa. Reer Awdal Somaliland mulkiyadeeda way ku qoran yihiin. Sidaa darteed dhibteeda iyo dheefteedaba waxbay ku leeyihiin. Waxase muuqata oo hubaal ah oonan cidna ka qarsooneyn iney dhib mooyee dheef ku laheyn beel-weynta galbeed dowlada Somaliland. Taas macnaheedu waxa weeyi kol hadii Somaliland wax lawada leeyahay tahay xaqa Gadabuursi laga dabooley waa cadaalad daro ku dhacdey. Hadii ay ka hadlaana maaha tabasho amma cabashee waa xaqoodii oo ay rabaan.

Sidee loo af gartaa Siilaanyo dowladiisa;

Tan iyo markii dhidibada loo aasey ee la taagey dowlad lawada leeyahay ee loo bixiyay Somaliland ilaa maantadaa aan ereyadan qoraayo dulmi bay ku jiraan reer Awdal oo waa la duudsiiyay lahaanshihii ay Somaliland wax ku lahaayeen waxeyna u egtahay in lagaba masaxayo mulkiyadii ay kula qornaayeen beesha Isaaq looguna badalo lahaanshihii Somaliland iney Gadabuursi u noqdaan suuq (market) ganacsatada beesha dhexe xaga dowladana ay ka noqdaan “second class citizen” la xaq ah Oromada.

Wax la qariyay ma jirto oo hadh iyo habeen cadaalad darida jirta waa loo sheegaa. Waana wax lawada ogyahay oo cadaan ah sida cadceeda. Looma kalo hadhin, Salaadiin, waxgarad, rag iyo dumar, dhalin in meel walba laga sheego cadaalad darida. Dhagna looma dhigo jawaabna lama bixiyo.

Dowlada Somaliland iyo shicibkeeduba waxay ku andacoodaan in laga wada hadlo wixii kolba jira oo la is horfadhiisto oonan marnaba la is colaadsan wax nabada ka baxsana aan la yeelin. Waa hadal wanaagsan!!! Bal hada akhristow ila eeg sida ay uga jawaabeen reer Awdal ereyada halqabsiguun noqdey ee ah in lawada fadhiisto miiska xaajoodka si loo xalilo wixii jira. Si aan usoo kobo waxaan soo qaadan 3dii sanno ee u dambeeyay oo qudha iska dhaaf tan iyo markii la sameeyay Somaliland.

Maxey reer Awdal ka yeeleen ha la wada hadlo;

1. Cadad male inta jeer ee dadka reer Awdal ka dhawaajeen cadaalad darida ku aadan saami-qeybsiga. Ha noqoto shabakad lagu qoro, meel xaflad ah oo laga sheego, mudaaharaad lagu muujiyo, dacwad qoraal ah oo dowladaha loo gudbiyo, tobankii sanno ee u dambeeyey dadka reer Awdal gudo iyo dibadba intaa wey hadlayeen mana yareysan iney geed sare iyo ku hoosaba u koraan sidii loo maqli lahaa.
2. Tiro male inta jeer ee Salaadiinta Gadabuursi iyo cuqaashuba Hargeysa u tageen in ay shaaca ka qaadaan cadaalad darida ku xeeran dowlada Siilaanyo.
3. Siilaanyo iyo dowladiisu markii ay arin keeni waayeen aan aheyn soo fadhiista miiska aan kawada hadalnee hagaajinta Somaliland, waatii madaxdii Awdal State aqbaleen ee go’aanka ay ku gaadheen in kaadi badane waa loo gogol badiyaaye loo tago oo bal lala fadhiisto miiska oo la eego xalka ay keeni karaan. Madaxdii Awdal State markey u ruqaansadeen Somaliland ee Siilaanyo iyo Xirsi ay arkeen ayaa heshiis lagu gaadhey in si rasmi ah loowada hadlo xilkana dowlada la saarey, qabanqaabadeedana Xirsi masuuliyadeeda la u qaadey. Ilaa maanta waa la sugayaa Xirsi iyo qababnqaabadiisa.

4. Silaanyo tiraba sadex jeer ayuu yimid Borama oo si fiican oo sharaf leh odeyga loogusoo dhaweeyey. Mar walba waxa lagala Hadley sida reer Awdal u dhacanyihiin markey noqoto lahaanshihii lawada lahaa Somaliland.

5. Afar bilood baa kasoo wareegey tan iyo markii Salaadiinta Gadabuursi Hargeysa tageen ee dantooda hadleen gudbiyeena dacwadii ku aadaneyd in la lunsadey lahaanshihii Somaliland xasuusiyeyna Siilaanyo iney Gadabuursi ka mid yahay mulkiilayaasha Somaliland. Waan ogsoonahay ceebtii uu Siilaanyo sameeyey ee uu ka baxsadey Salaadiinta. Taa waxa kasii daran aflagaado loo geystey Salaadiinta iyo shicib weynaha Gadabuursi. Erey xumada iyo aflagaadada oo boog ku noqotey beesha dhexe kuna noqon doonta ayaa waxa ka mid ahaa; Halkeed ku maqneydeen markaan kaadida u cabeyney xoreynta Somaliland, waa loo dhintey oo dhiig baa u daatey Somaliland, af-weyne anagaa iska xoreyney IWM. Ilaa maantana jawaab lagama hayo Siilaanyo.

6. Suldaan Wabar ayaa ka jawaabey erey xumadii mujaahiliinta iyo cuqaasha qaarkood ee beesha dhexa oo dhawaaqoodu ahaa waan is xoreynee is xoreeya. Suldaan Wabar ayaa ciilkii qaadan waayay oo duurka galay. Jawaabtiina waxay noqotey afxumo kasoo yeedhey ilaa Faysal Waraabe.

Sannado wixii reer Awdal wadeen ee ahaa kor inta aan ku qorey ee marwalba la weydiinayay sidii wax lagu wanaajin lahaa wax ka soo baxdey ineyna cidina dhag u dhegeyn. Show ileen meel madhan bay ereyada reer Awdal ku dhacayeen oo dhagaha Isaaqa iyo dowladooduba uma furneyn dhawaaqa reer Awdal. Waxaad moodaa min Madasha kuwan la baxey, suldaan Xiirey, ku la yidhi Sulub baa la yidhaa, Faysalna ku dar iyo kuwa kaloo badanba iney haduun baraarugeen.

Hada uun baa dib la isku wareejiyay 360degrees. Nin wal oo muraayad madow soo xidheyba wuxuu ka dhawaajey yaga oo ka jawaabaya Suldaan Wabar arintiisa ereyadii caadiga u ahaa ; “ hadii wax latabanayo halasoo fadhiisto miiska xaajooyinka ee yaan duurka la galin…” Cajiib oo cajiib …. Ma anagaa waalan mise Hargeysaa macno beeshay!!! Soo nagii miiskan la sheegi toban jeer fadhiisaney eenan waxbaba laga heyn ilaa maanta ma miis kalaa jira oo reer Awdal laga qarinaayo?

Sidee loo af gartaa beesha dhexe iyo dowladooda???? Toban sano in ka badan baanu hadleynee af Soomaali miyayna dowlada Somaliland ku hadal, Maxaa keeney hadana miiska soo fadhiista? Somaliland miyayna aheyn tii lawada lahaa, Maxaa wakhti walba keeney miiska hadana soo fadhiista?

Miyeyna Somaliland aheyn tii ay Awdal State la xaajootey ee wax la isku ogaa maxaa keeney hadana miiska soo fadhiista? Miyeyna Salaadiinta Gadabuursi boqol jeer la xaajoon Siilaanyo maxaa hadana keeney miiska soo fadhiista? Miyeyna Salaadiintu gudbin dacwadooda markey Hargeysa tageen maxaa keeney miiska soo fadhiista? Waa yaabe sidee Siilaanyo iyo dowladiisa loo af gartaaaaaaaaa?

Iskusoo wada xoori;

Miiskaa waanu ka daaley oo mardambe soo fadhiisani meyno ee idinkaa la idinka sugayaa jawaab hadii aad tihiin dowlada Siilaanyo iyo shicib weynaha wanaagsan ee beesha dhexe. Jawaab ku aadan sidii loowada yeelan lahaa Somaliland. Idinkaa la idinka rabaa jawaab hufan oo ku aadan sidii si cadaalad ah loo qeybsan lahaa awooda dowladnimo.

Kubadu dhinaciina ayay taalaa dhan aad u laadiinba. Somaliland wada jir malagu dhisaa mise waan qasanaa oon qaribnaa. Gadabuursi hada wixii ka dambeeya gumeysi diyaar uma aha ee ogaada kubadu dhinaciiney taalaa dhan aad u laadaanba. Inta aan jawaab waafi ah heleyno Wabar iyo ciidankiisu duurkey joogayaan waxna lagama yeeli karo oo xaq bay ku dirirayaan..

Hambalyo ku socota Suldaan Wabar iyo ciidankiisa;

Markuu geesi dhexdeena kasoo baxo taageero waajib bay inagu tahay. Sida aan dareemayo waajib bay igu tahay inaan hambalyeeyo ruux wal oo u taagan wanaaga reer Awdal. Islamarkaana dhiigeygaa dareemaya inaan taageero qof wal oo u kaca xaqa reer Awdal ee SNM ku tumaneyso. Sharaf iyo farxad bay ii tahay inaan hambalyeeyo oon taageero Suldaanka u sare Kacey xaq doonka xaqa reer Awdal. Hambalyo iyo taageero aan xad laheyn Ayaan u taagey Suldan Wabar oo geesinimo muujiyay.

Boogaadin ku socota reer Awdal

Reer Awdalow hadeynaan is taakulin heli meyno xaqeena cidna iska celin kari meyno. Hadeynaan taageerin geesiga dhexdeena ka iftiimana reer Awdalow xaqeena qeyrkeen ka qaadan kari meyno. Hadii aan iska qaban weyno ka ina qeybinaya ee ina qaribaayana midnimo yeelan kari meyno. Midnimo ayuun baan maanta wax ku qabsan karnaaye ha la midoobo oo danteena dhan haloogasoo wada jeesto.

Waxaan ku boorinayaa qeybaha Awdal State gudo iyo dibadba iney mid u noqdaan qadiyadeena ku aadan sidaan xaqeena uga keeni laheyn Silaanyo iyo dowladiisa. U midooba xaqeena iyo mustaqbalka caruurteena oo taageera Suldaanka. Shicib weynaha reer Awdalna waxaan ku boorinayaa meel ay joogaamba in la taageero Suldaanka oo la is garab taago. Ma joogno walaalayaal meel aan ku kala hadhno. Sida ugu dhib yar eed qadiyadeena ku taageeri kartaa waa adiga oo taageera kolba keena isku taaga xaq-hel-keena. Waa la inoo tashadey oo xitaa Faysal baad maqasheene, midooba oo wadajir halooga dhaliyo goolka Siloone. Ninba waa mare waa markeeniiiiii.

Suleymaan A. Dugsiiye

Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...