Monday, June 1st, 2020
header

Muhiim ma tahay in Somaliya u dabaaldegto xornimo xilli gumeysi cusub ku jirto

Magaalooyin iyo tuulooyin badan oo ka mida Koofurta iyo Bariga Somaliya waxay ku hoos noolyihiin cadow iyo gumeysi cusub oo ka xun waxa lagu tilmaami jirey gumeysigii cadaa ee wasakhda ahaa.

Gumeysigii Ingiriiska iyo Talyaaniga waxyaabo badan ayaa laga dhaxley sida waxbarashadii manhajka gaalada ee Camuud oo ay ka soo baxeen dhalinyaro badan oo markii dambe intooda badan madaxdii dalka soo noqdeen aan ka ahayn Siyaad Barre oo ahaa tiibo Talyaani.



Waxa sidoo kale jirtay in lagu faano Camuud oo qofkii ka soo baxa loo haysan jirey inuu ahaa qof waxbartey. Talyaaniga sidoo kale wuxuu dalka ka dhisay laamiyo ilaa hadda dadku manaafacaadsadaan sida jidka Feerfeer ee ka soo baxa Hiiraan ilaa Itoobiya.

Waxa kale oo jira in Talyaanigu laamiyo iyo dhinaca wax soo saarka horumar ka gaarsiiyay Koofurta dalka intii uu joogey. Dabcan markii lagu kacay wuxuu bilaabay inuu dadka iska horkeeno inkastoo murtida gumeysi diidka badankooda ay ka iman jireen Woqooyiga Somaliya.



Dhinaca Woqooyiga markii Ingiriisku joogey ugaasyadii talin jirey waxay ka saxiixeen in aanu ku dhalin dalka taas oo dhaqan gashay, inkastoo markii dambe uu dhisay meelihii ogolaa isaga sida Hargeysa uuna dhulka la simay Saylac oo gobolkoo dhan laga xukumaayay.

Gumeysi sidaas ahaa oo wax kaga tagey dalka iyo argagixiso burburinaysa wixii aan dhisanay isku meel ma galaan. Ugu yaraan gumeysigii cadaa ma haboon tahay in la siiyo mudnaan saaida aan ka ahayn in la tirtiro wixii uu ka tagey sida la dagaalanka dadka uu ka tagey ee yiraa Ingiriisow noo soo gurmo.



Waana qalad in la siiyo mudnaan aanu lahayn. Dagaalka hadda uu inagula jiraa waa kii maskaxda oo waxaad aragtaa dhalinteenii oo moodey idaacadahooda kuwo ay leeyihiin, taas oo ka dhigan in dhalinteenu si fudud u qaadan karaan fikrado diin ka baxa oo ku hoos jira beenta xor baan nahay.

Anigu ma arko barnaamijyo waaweyn oo dhegaha dhalinyarta dib loogu hanan karo.

Ugu dambeyn waxa mudnaan buuxa leh la dagaalanka argagixisada oo ka dhalatey sanado badan oo burbura in dhalinteena isqarxinta xalaal looga dhigey iyo daadinta dhiiga muslimiinta halka inta harteyna ay wataan fikrado gaaleed oo idaacadaha gaaladu ku abuureen.



Hala weynaayo la dagaalanta cadowga cusub ee argagixisada ee dalku leeyahay maalinta dalka laga tirtirana ha noqoto maalinta xoriyada cusub ee dalku qaatey inta ka horeysa yaan lacag badan lagu qasaarin 1960 ee dadka hala baronwaxa Somalidu ahayd Ingiriis iyo Talyaani kahor.

Haddii aan 1960 ka dhigno wax weyn waxa meesha ka baxaya cadowga cusub iyo taariikhda Somalida.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS



Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Deg deg: Ciidamada qaranka Liibiya oo jabiyay kuwo taabacsan Erduqaan

June, 1, 2020
Ciidamada qaranka ee dalkaasi Liibiya ee hoos yimaada ...

Muwaadiniin go’doonsanaa oo dalka dib loogu soo celiyay

June, 1, 2020
Dawlada Somaliya oo gudanaysa waajibaadkeeda ayaa dalka dib ...

Dawlada Somaliya oo sharaxday sababta ay u joojisay diyaarado Kiiniya leedahay

June, 1, 2020
Dawlada Somaliya ayaa shaacisay inay dalka ka mamnuucday ...

Xisbiga Wadani oo soo faqay fadhiidnimada Saylici: Ummada ka hor gudub

June, 1, 2020
Afhayeenka xisbiga wadani ee maamulka Somalilaan ayaa qarxiyay ...

Xagjir Taram oo loola cararay dhufaysyada hoose ee madaxtooyada

June, 1, 2020
Waxa welli socda banaanbaxyo isku bedelay bililiqaysi dalkaasi ...

Dhacdooyinka

Barnaamijka doorka aqoonyahanka iyo saxafiga Faysal Abroone

May, 17, 2020
Maxaa u sababa in fatahaada webiga Shabeele uu ...

Maamulka Somalilaan oo sheegay in cudurka Kooro sii kordhey

May, 9, 2020
Afhayeen u hadlay maamulka Somalilaan ayaa sheegay in ...

Uhuru oo ka aargoostey Somalida Kiiniya iyo qaylo dhaan jirta

May, 7, 2020
Kadib fashilkii ku yimi siyaasada Kiiniya ee Somaliya ...

Cabi Axmed oo u digey Tigreyga raba inay qabsadaan doorasho

May, 6, 2020
Raiisal wasaaraha Itoobiya Cabi Axmed ayaa u digey ...

Ciidanka xooga dalka oo hadda baacsada argagixisada

May, 5, 2020
Waxa caadi noqon jirtey in argagixisadu weerar ku ...

Xaafada Daami ee Hargeysa oo diidey quudhsi Muuse Biixi kula kacay: DAAWO waxa sababay

May, 4, 2020
Xaafada balaadhan ee Daami oo ah xaafadihii Hargeysa ...

Dhamaan bahda Araabinews oo tacsi u diraya ilma Faarax Cabdillaahi

May, 3, 2020
Dhamaan bahda Araabinews ayaa ka tacsi ka diraya ...