Monday, May 20th, 2024
header










Meta







Muran u dhexeeya gudoonka barlamaanka iyo xildhibaano Hawiye ah oo raba in Muqdisho la raaciyo maamul cusub oo la dhisayo: QORAALO

Waxaa hore u soo baxay warar sheegaya in Gobolka Banaadir lagu darayo gobolada Sh/Dhexe iyo Hiiraan ayna noqon doonaan hal maamul goboleed, arrintan oo madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay guddi ka tirsan xildhibaanada baarlamaanka ee degaanadaasi ka soo jeeda, waxay jawaab celin kulul uga timid dhinacyo kala duwan oo ay ugu horeeyaan guddoonka Baarlamaanka.

Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo labadiisa ku xigeen waxay horaantii bishan soo saareen qoraal ay u direen madaxtooyada iyo xukuumadda waxayna ku caddeeyeen go’aan nuxurkiisu yahay inaan caasimadda lagu dari karin maamul goboleed kale inta sharci gaara ka soo saarayo Baarlamaanka.

Hoos ka akhri qoraalka Guddoonka Baarlamaanka.

warqad jawaari

Arrintan waxay dhalisay is weydiin badan oo ku saabsan awoodda guddoonka Baarlamaanka ku hadlayaan iyo sida ay amar u soo saari karaan kaasoo aan ka soo bixin baarlamaankii ay guddoominayeen oo fasax ku jira. Waxaa kaloo arrintan durba ku dhex jira waxa loogu yeero Beesha caalamka oo dacwado kala duwan loo qoray kuna saabsan xaaladda Gobolka Banaadir.

Hoos ka akhri qoraalka xildhibaan Cosoble oo Hawiye ah

warqada cosoble

Marka qoraalka C/qaadir Cosoble la eego waxaa soo shaac baxaya heerka ay gaarsiisan tahay khilaafka ka jira fasirka Dastuurka qabyada ah iyo baaxadda ay leedahay kala duwanaanshaha rabitaanka gudoonka iyo xildhibaanada, waxayna soo jeedineysaa baahida loo qabo:

  • In la dhameystiro dastuurka qabyada ah
  • In la helo maxkamadda dastuuriga ah ee fasiri lahayd qodobadda dastuurka
  • In la qeexo qaabka federaalka gobolada dalka iyo xeer loo helo caasimadda

Inta arrimahaas oo dhan la la’ yahay wuxuu federaalka lagu muransan yahay noqon doonaa mashruuc dhibaatadiisa aan laga bixi doonin. Waxaana inta waqtiga dowladda hadda jirta ka harsan ku dhammaan doonaa is jiidjiid aan macne lahayn oo hadda maraya Golihii Baarlamaanka.

Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...