Thursday, April 25th, 2024
header










Meta







Muuse Biixi muxuu ka aaminsan yahay beelaha dega Somaliland: Qeybtii 1aad (Mukhtaar Afrika)

Ciwaankani waxa uu Ibo-fur u yahay taxane dheer oo ku qotoma daraasad iftiiminaysa sida uu u arko ama waxa uu ka aaminsanyahay Muuse Biixi (Muuse handaraab).



Beelaha degga Somaliland gaar ahaan beelaha ay ka dhexeeyeen ama ka dhexeeyaanba beeshiisa xurgufo siyaasadeed, mid beeleed ama mid dhaqaale oo hore, beelahan oo ay ka mid yihiin beesha madexweynihii hore Dahir Rayale, beesha gudoomiyayaasha UCID iyo WADDANI, beesha Mujaahid Xassan Ciise iyo Beelaha siyaasi Cali khaliif Galaydh iyo Cadami.

Taxanahan waxaan ku iftiiminaynaa hagardaamooyinkii muuse biixi ku hayay beelaha aan kor ku soo xusnay intii aanu kursiga boobka ku iman iyo waliba qorshayaashiisa mustaqbalka dhow ee ku wajahan beelahan, qorshayaashaas oo salka ku haya cunaqabatayn, barakicin iyo is ku-dhufasho.



Muuse oo habdhaqankiisa siyaasadeed iyo caadifadiisa qabiil ay reebeen ,Hadal-hayso baddan oo ay ka mid yihiin (Anigoo wax Dili kara , Duco Qaadan Mayo) waxa laabtiisa iyo maskaxdiisa buux dhaafiyay nacayb ku qotoma taariikho hore oo uu u qabo beelaha walaalaha ah ee wada-degga .

Waxan ku soo qaadanaynaa Beesha mujaahid Hasan ciise Beelwaynta Arab , wuuna go’doomiyeyey waxaan kusoo qaadanayaa 3 Qodob oo muhiim ah waana sidatan:-

A) Go,doomin Dhaqaale
B)Siyaasada iyo
C) Dhul-balaadhsi Deegaaneed!!!



I. a) Go’doomin Dhaqaale :- ayuu muuse ku dhaqaaqay cunaqabatayn Beelwaynta Arab si ay beesha arab u helin dhaqaale iyo ilo kasta oo dhaqaale , Cadayntuna waxaa weeyi .

b) Kastamka (Costum) beli-gubadle marnaba ma ogolo ,waayo wuxuu maankiisa ku hayaa inay kala-baydh mooyaane meelkale, kastam noqon , waxaa ka mida in odayaasha beeshiisu waa muuse’e ay kula heshiyeen inay go’doomiyaan beesha arab , istiraatijiyadiisuna mid hore mid-dhexe iyo mid mustaqbal ahba, maalintii dhawayd ee uu gabilay odayaashiisa kula kulmay wuxu ahaa in reerkaasi la baro-bixiyo beelweynta arab madax tooyadana sidaa looga soo raro

c) Ahmed-dhagax uu rabo inuu go’doomiyo si taasi u dhacdo , oo uu ka dhigo Sida degmada ( daami )oo kale .



d) Muuse waana sababta uu ilaa hada u sheegin sababta uu u raraayo madax-tooyada , Isaga oo u eegin istiraatijiyada , madaxtooyada sidaana uu la qaatay tolkii oo uu ku magaalaynayo xafadiisa waa muuse’e.

e) waxaa Laga go’doomiyey Mashruucii (GPLG) ee horurinta aasisiga ah, Hadalkii Siyaasigii Cabdilaahi Jawaan oo uu saylici ku eedaynaayey inuu ka joojiyey.

Runtuse waxay tahay saylici maaha xaquuqdi ilaa wakhtigii siraanyo dalka haysay musaasaa olida ugu jiray , waxayse Sartu ka qudhunsan tahay ay tahay, Inuu muuse biixi yahay cida hortaagan horumarintaa dhaqaale beelwaynta beesha Arrab oo xurguftii, aanadii iyo Cunfigii uu ilaa imika muse maskxadiisa ka dhax-guuxaya.

f) Ganacsade Geele Arab mashruuc wayn oo biyo gelineed oo ah , oo uu deegankiisa ugu raadinayo si ay u helaan biyo , ileyn cunaqabaynta muuse biixi ayuu arkayaa $ 5 millions oo dolar oo uu isagu ka soo ritay caalam ilaa hada xukuumadu weli way hortaagan tahay inuu fuliyo.



g) Ina afdiinle waxaa ka maraga inuu abuuro kastamkaa beligubadle waana loo diiday deegaankaasi, Muse go’doomiyey, curyaamiyey dhaqaale ahaan beelweynta Beesha Arab.

II. a ) Siyaasada:- go’doominta beesha arab uu muuse biixi ku xasuuqayo hore iyo gadaalba , Istiraatijiyadiisuna tahay , dhanka siyaasada waxaan xasuusanaa sidii xisbigii Mujaahid Xasan ciise , oo la baabiyey isagoo adeegsanayaa dhuuni qaatayaal , isaga la socda kaaga darane waxaa u dhaarinayey dadkii beli-gubadle Wasiirka , Diimaha iyo inankiisa oo muuse ku rifaayey dhanka siyaasada oo sidaa doorashadii , beenta ahayd ee doorasho lamoodka ahayd,



Geed dheer iyo geed gaaban u koray , wixii siyaasad iyo horumar ku xidhan ee beelwaynta arab uu rakaadiyo. isagoo cunfigii iyo cuqdadii u hayey siyaasadana uu u galay, inuu ka aar-goosto beeshaasi.

b)Bal akhristoow bal ka warama in Muse beeshiisuu wakhtiyadii ka horeeyey 1991-maadkii ay 24 badhasaab ama gudoomiye hargaysa Soo mareen , Qof Beesha muse kamid ah, Weli kama muuqan , taasina waxan ku cadaynayaa markuu Daahir Rayaale uu u magacaabay, Beesha arab Gobolka “Hawd ee Beli-gubadle” muuse wuxuu ahaa kuwii ka soo horjeeday in la siiyo Gobol beeshaasi .

c) muse wuxuu samaystay platform uu ku g’doomiyey beeshaasi mid dhaqaale, mid siyaasadeed, mid horumarineed .



III. a) Dul-balaadhsi Deegaaneed:- waxaa caday u ah hadalkii Boqorka beel-weynta beesha arab sidii uu ka dhawaajiyey sheegay u yidhi:-

(Muuse Hadii uu kursiga qabsado , beesha Araboow waxaad ka hadlaysaan Degmada Ahmed-Dhagaxe , muuse wuxuu rabaa inuu qaato Beli-gubadle ) Boqorka hadalkiisuna tixraacu wuxuu ku jiraa youtube-ka wuxu sameeyey muse inuu go’doomiyo dhul-balaadhsina uu aabo u yahay muuse biixi .

b) sidaan wada oganahay beeshiisu ma haysato dhul sida beel-waynta beesha Arabka oo kale deegaan balaafhan

Abwaan hadraawi Maansadii Sirta noloasha ayaa laga hayey allaha xafidee uu yidhi
(Nin ku yidhi sinaan-mayno
Adba buri saraybtiisa ,
Sadka waad wadaagtaan’e
Ma Sagaashan-baa tiisu)

c) waana ta keentay in deegaanka arab laga go’doomiyo waxkasta oo aasaasiya sida wax barashada, cafimaadka iyo biyaha.
d) Muse Beeshiisu wuxuu siiyey wixii ay beel-waynta arab xaq u lahayeen helaan , ilayn dagaalka muuse weli ma dhamaane ee uu beesha arab ku hayo. Maqaalkan waxaan kusoo Curduduubayaa beelwaynta beesha Arab , inaad murtidan ka faa’iidaysataan.
murtidan :-



1. Ninku siray hafaalaynin sababaha ha waydiinin, hana u seeto dheeraynin, ku qabo sidiq iyo baydo , Hana falin Siduu yeelay . 2. Waa in qofkasta oo reer Somaliland damiirkiisu nool yahay wuu fahmi karaa aanadaa uu ku hayo Beelaha reer somaliland walaalaha ah .
Akhriste waad la socon doontaa maalinkasta iyo beelkasta sida uu ula dhaqmay Madaxweyne Mise biixi Abdi

NB. “ANIGOO WAX DILI KARA DUCO QAADAN MAAYO”

ALLA-MAHAD
Mukhtar Cali Aadan (Mukhtar Afrika)
Borama, Awdal
Yaabe99@hotmail.com

FG: ARAABINEWS marnaba masuul kama ah fikradaha lanoo soo gudbiyo waxayna gaar u yihiin qofka ku saxiixan

Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...