18/01/2026

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Muuse Biixi oo C/raxmaan Saylici u direy Tukaraq xilli ciidan reer Awdala la iska horeysiiyay

Muuse Biixi ayaa C/raxmaan Saylici u direy Tukaraq xilli ciidan reer Awdala la iska horeysiiyay. Muuse Biixi ayaa gaadmo ku aadey Tukaraq oo ah tuulo ka tirsan Sool.

Wararka ay helayso ARAABINEWS ayaa tilmaamay in C/raxmaan Saylici saaka goobtaas gaaray asagoo ay weheliyan janaka ciidanka Somaliland.



Siyaasiyiinta Somaliland ayaa Muuse Biixi ku eedeeyay inuu galayo hawl uu faraha uga guban doono halka waxgaradka reer Awdal walaac ka muujiyaan ciidan reer Awdala oo la iska horeysiiyay.



Waxa welli socda dagaalka u dhexeeya beelaha HabarYoonis iyo Habarjecla oo iyagu ku salaysan kala aargoosi. Saylici ayaa inyar oo ka mida askarta la hadley.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS