Saturday, April 20th, 2024
header










Meta







Muusow yaa goblami yaase good dili?? Qalinkii Mukhtaar Cali Aadan

Dhagartaa, dhiigaa qayraamaya , Balan-balka , Bay-hoofka & rafaadka umadeenii Reer Somaliland rakaadiyey oo ka aabo u yahay ninkani dalka haystaa waa Askariga iyo inta la socota ee isku reerka yihiin’e .Waxaan ku cadaynayaa inay iyagu doorteen umadaa reer somaliland inay baaba’do , sidii uu u firkirayey dhankiisa waa “laba daran Mid dooro”!!! Labo arimood midkood waana sidaran:-



I. a ) Go,aanka Togan (Decision maker) Askarigu inuu qaato ahayd inuu dalka ,dadka, badbaadsho oo uu doorasho xaq galo , nasiibkiisana calfado, sidaana ay ku badbaadsadaan Umada reer somaliland oo magac iyo maamuusna maanta loo hayn lahaa.



b) Wuxuu qaatay Askarigu , Go’aan xanuun badan (Spindel Decision) Waxaa kale oo Dalka baabiyey oo “Maruuun madaxweyne i dhaha ” Dowlada Imaraadka ee tuugtani dalka qabsatay la heshiisay , la inoogama horayn imaraadkaasi codow ah , Dagaalada dhumay , ceel-afweyn , Dagaalada puntland iyo somaliland waxa ka danbeeya tuugtaa aan sheegay dhuuni qaatayaal , qowlaystaytaal ah , Imaaraad cida keentay uunbaa ceebteedaasi leh , burburka baaba’ana wada , waxaa ka Aabo ah Madaxweynaha Askariga ah .
Dagaalka sokeeye oo aynu ku hoobanay oo marlabaad soo rogaal celiyey xalayna tukaraq ayaa la sheegayaa in la istuur-tuuray’e “Xuunshaa la waydiiyey oo lagu yidhi :- Sowta Hooyadaa iyo caruurtii meeeshaasi ku dhimanayaan kuna hoobteen , maanad damiir-lahayn xuunshooy !!!! Kuye jawaabteedu waa sidan 🙁 Awalba iyagoo nool , Xaarka waan iska cunaayee , imikana anba waa iska cuni !!!! .)
Dulucdu waa inuu Askariga iyo ina Xaashiy’e dalka sidaa ku iibsadaan , waana in talaabo sharci laga qaadaa dhiiga iyo dheecankaba ay qabaan , Askarigana , hankiisu ahaa maruun madaxweyne i dhaha !!! Kan ina xaashina , hadafkiisu ahaa xirsi uun hadaan bedelay magac intaasi iyo boob ha igu filnaado.



Halkaasi ayaa xaal marayaa akhriste ? Cida Somaliland ka sheekayn-doontaana ma jiridoonto , Godbay sidaa ku gashay.
Waxay Tuugtani soo yuurarta ee meesha fadhidaa . “Xasha’e waraabo ma raboobe’e”

Aragtidaa maqaalkan anoo wada baa waxay i siixasuusisay abwaanadeeni hore laba ka mid ahi mar gabay wax isugu tebinayeen (Cali Dhuux iyo Qamaan), oo qamaan ku eedaynayey Cali dhuux
in uusan daacad ka ahayn arrinta ay ka wada hadlayeen, buu wuxuu tiriyey, Qamaan gabay ay ereyadani ka mid ahaa sidan :
( Baadida ninbaa kula deydeyi ,
Daalna kaa badane.
Aan doonahayn inaad heshona
daayin abidkaaye,
Dadkuna moodi duul wada dhashoo , wax u dahsoonayn’e)
Xulafadii askarigee , Wayna aqbaleen inay Imaaraad dalka ka iibshaan si danohooda shaqsi u helaan . Kaga darane kuwa Askariga ilmadeer yihiin ayaaba Si wadanka horay loogu iibiyo daacadna ka ahayn Ninkaani , Mohamed Cali Bile uu yidhi: youtubka way ku jirtaaye oo uu lahaa dalkani saldhig- military ma noqonaayo , wanaag kama ahayne sidaan kor gabayga ugu soo sheegay weeyi , Hadaba waxay ka ahayd boob iyo dhac ay ku helaan lacag ay doorashada ku galaan , Sidaana Sacad-muse-nimada ayaa lagaga iibiyey . Boosna ku helo hadase waaba agaasime.) Iyo Guri abaareed oo isagna wasiira wuxuu lahaa dhankiisa Imaaraadku ma fiicno in sal-dhig laga kireeyo sida uu ku sheegay Article dheer kusoo qaatay shirqoolka carabta iyo buugii philesoph Dr Omer Osman Rabeh buugaasi oo guri abaareed u bixiyey sidatan:-



(” Riyadii Dr Cumar Cusmaan Raabi oo u dhow inay rumowdo ) wadankana la qabsanayaa u lahaa filosoofku ) oo uu Imaaraadka ku diidanaa markay heleen lacagtii doorashada oo uu ku diidaayey si lacag loo siiyo askarigu doorashadana uu sidaa ku galo cajiib!!!!

Bal ka warama hadii lagaa iibiyo qolonimo ?? ma xishoode ayaad noqoni ninkani waa ninka dumar caayey si uu askarigu ugu taxo darajoyin miyaa ?!?!?! , Sacad-muse-nimada hadii lagaa iibiyo jihaad dheerbaad galaysaa , bal eeg waaba rag giriiga oo adkaysi-lehe .
Shirqoolka Imaraadku waa-ta reer somaliland kala dirtay , siduu madaxweyne rayaale kaga tagay ” dad , dal iyo magacbay lahayd somaliland is haysata , Maantana gobol gobol ayeyna isku haysan markaa saansaantiisuna akhriste muwaadin maxaad u malayn ???
Waa inoo muuqdaa maantana , Somaliland wataa ku kalifey in ay beerka ku socoto ama ku siniqdo . Qofka aqliga lihi wuu garan karaa askartan budhcada ah ee dalka baabinaysa sow sidaa maaha?!?!?!



waxa jirtay waqti aan dhibta ay inagu hayaan muuqan Carabtaasi iyo askariguba , hadase muwaadin waxaanad ogayn in la rabo, bishii labaadna maqaal ku qoray in 18 bilood dalku dagaal gelayo, beriga marka la isku diro , ay iman doonaan , Qolooyin Sheegata ISIS si imaraadku Saladhigaa u furto oo yemen & beriga somaliland ay yidhaahdaan Argagixiso ayaan ka sifaynaynaa somaliland iyo yemenba saldhiguna sidaa ku shaqeeyo. Muwaadin yemenba Dp world ayaa loo adeegsaday inaga iska daaaba ASKARIGA yeelkiise Aqoontiisa iyo aragtidiisa haday sidaa tahay oo baasaboorkii diblomaasiga ahaa ay jabuuti ka Xirtay ama ka joojisay.

Dhakhtar haduu u baahdana dalka ka bixi karin , makaasi ayaan dadka iyo dalkaba ku aaminaa muwaadin??? in Somaliland sidaa aynu hadda ku jirno ku dambayn iyo si ka liidata 1991-maadkii kana adkaan- doonto. Hadaba
Waxa ii muuqata in qaabkii dabka
lagu hurin lahaa iyo xaabadiiba
Imaaraadku iyo Qadar meel isugu geysey, khilaafkooduna beenyahay waa kaarto lagu baabinayo , waxa keliya oo u dhinaana uu ahaa dogobkii weynaa oo noolayska u noqon lahaa oo ay markaa qawsaaro , Somaliland u sida askarig’e dhashay oo imaaraad u adeegayey ay sidan ay ina bideen iyo Leetarta lagu qaban lahaa.



oo uu la dul fadhiyey Imaaraadku Maanta Somalilaneey markaad ufiirsataan Askartan boobka wada maxa xigi?!?!?! , Qofkii dhiig-leh uunbaa garan kara xaqiiqada jirta , Somaliland iyo wadaninimo iyo dadnimo ku jirto marka hore timahaa istaagaya. Marka labaad waranka kusoo socda ama walaalki ku socda markuu arko wadnahaa boodaya.
Marka saddexaad marka uu hoos
fiiriyo oo bahalaha dhaawaciisa ama maydkiisa sugaya arkaayana waxa ku soo dhacaysa qolada hoos tegidoonta ha ku biirine, si kastana yeel oo dhaawac iyo dhimashoba iska ilaali oo xaalku ha noqdo “Geeri geeljire iyo guryo kaa dheer bay ku fiicantahay”.



(Waxaad moodaa Abwaankii iyo wadanigii weynaa ee
Soomaaliyeed Cabdullahi Suldaan Timacade (IHN) wuxu Yidhi:-
Garbo-duub haddii loo xidhoo Gaadhna ka ahaato.
Gacantiisii nin lihi goynayaa waa
Gumadantaaye . Nin walaalkii geed ugu jiraa geesi
noqon waaye, Soomaalaay, Ma dabinkan baa cadow inoo dhigay?!!!
Gebo-gebadii maqaalka waan ku curduduubay
Murtidan:-
1. Waajibka ugu wayn ee manta saran qof kasta
oo Jeegan aan ahayn meel uu jooga ba, waa
badbaadada Jamhuuriyadda somaliland,
isagoon waxba ka hagran awood wuxuu Alla ku
mannaystey!…
2. Taasuna waa inuu bilaabo HADDA haddusan
horey ugu jirin.
3. Waddaniyiintu, meelay joogaan ba aduunka
waa inay heegan noqdaan!!!…

ALLAH-MAHADLE
QORE: Mukhtar Cali Aadan (Africa)
EMAIL: Yaabe99@hotmail.com



Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...