November 20, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Muxuu daarnaa safarka madaxweynaha ee Koofur Afrika sideese loo soo dhaweeyay: SAWIRO

Madaxweynaha Somaliya Farmaajo ayaa booqasho ku tagey dalkaasi Koofur Afrika ee sida xoogan Afrikaanku ugu dilaan Somalidu ugu tagtey dhulkooda. Waxa dalkaasi lagu diley Somali gaaraysa ilaa 20 mudooyin kala duwan.



Waxa ka sii daran inta dhaawacyo loo gaystey iyo weliba inta hantidooda maqan tahay. Koofur Afrika siiba inta madowga ayaa ah inta ugu musuq xun ee ugu jaahilsan waana dhulka Somalidu eegtaan ama meheradaha ka furtaan.



Madaxweynaha ayaa halkaas kaga qeyb galaya xafladda caleemo-saarka madaxweynaha dib loo doortey ee dalkaasi Matamela  Ramaphosa oo ku marti qaaday xafaladdiisa qaar ka mid ah Madaxda  caalamka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Koonfur Afrika waxa uu kulan doceedyo la yeelan doonaa hoggaanka dalkaas iyo Madaxda kale ee dhigiisa ah ee kasoo qeyb galaya munaasabaddan, isagoona kala hadli doona danaha wada jirka ah ee kala dhexeeya dalkeenna.



Sidoo kale madaxweynaha ayaa u kuur galaya xaaladda muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Koonfur Afrika iyo caqabadaha ku gadaaman ganacsiga ballaaran ee muwaadiniinteennu ay ku leeyihiin dalkaas.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS